Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada dowladda oo Muqdisho lagu dilay

Kooxo Baastoolado ku hubaysan ayaa magaalada Muqdisho goor dhawayd ku dilay Cabdi Maxamed Culusow oo kamid ahaa saraakiisha ciidamada xooga dalka Soomaaliya .

Sarkaalkan ayaa waxaa lagu dilay degmada Waabari ee magaalada Muqdisho gaar ahaan saldhiga Booliska ee degmada .

 

Kooxihii dilka fuliyay ayaa goobta ka baxsaday , waxaana goota uu dilka ka dhacay soo gaaray ciidamada dowladda Soomaaliya .

Al-shabaab ayaa sheegatay mas,uuliyada dilka sarkaalkan .

 

 

 

 

 

 

<