Kooxda Argagixisada ah ee Soomaaliya ee Al-shabaab , ayaa saaka waabarigii weeraro Qaraxyo Ismiidaamin ah ku b qaaday saldhigyo ciidamada dowladda Somaaliya ay ku lahaayeen deegaanka Goof- gaduud ee gobolka Bay.
Al-shabaab ayaa dhowr jiho ka soo galay deegaanka , waxayna la wareegeen qaar kamid ah saldhigyadii ciidamada ay fadhiyeen .
Dadka deegaanka ayaa Warsidaha Puntlandi.com usheegay in ay arkeen meedad farabadan oo ah Askartii ciidamada dowladda oo loogu galay saldhigyadooda .
Lama xaqiijin ila aiyo haatan khasaaraha dhabta ah ee weerarkan ka dhashay , balse Al-shabaab ayaa sheegtay in weerarkan ay ku dileen askar fara badan ,ayna ku furteen hub iyo gaadiid dagaal.
Ma,aha wax ku cusub dhagaha shacabka Soomaaliyeed in Al-shabaab sidan ookale ay soo weeraraan saldhigyada Ciidamada dowladda , balse waa arin ilaa iyo haatan wax cashar ah aysan ka baran xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo .
Puntlandi.com Bosaaso .