(Dhegayso) Madaxweyne C/wali Gaas oo dhegax dhigay wado iskuxiri doonta degmooyinka Dhahar iyo Sheerbi

Madaxweynaha dowladda Puntland mudane C/wali Cali gaas oo ku sugan degmada Dhahar ee gobolka Haylaan ayaa waxa u halkaasi ka dhagax dhigay wado laami ah oo iskuxiri donta degmada Sheerbi yo Dhahar .

Dhaqaalaha ku baxaya wadadan ayaa inta badan waxaa bixinaysa dowladda Puntland , waxaan  ka  qayb qaadanaya shacabka  ku dhaqan degmooyinka  Sheerbi iyo Dhahar.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidookale waxa u dhagax dhigay goob loogu talagalay in boqol guri looga dhiso dadkii reer guuraaga ahaa oo ay abaartii Sima ka idlaysay xoolahoodii .

 

Shacabka degmada Dhahar ayaa ka mahad celiyay horumarka kaabayaasha dhaqaalaha oo ay dowladda Puntland   ka hirgalisay degmada Dhahar.

Dhegayso .