|

Qalbi Dhagax,” Ma booqandoono Muqdisho mana la kulmidoona qolyihii iidhiibay Ethiopia

Hargeysa (Puntlandi) Cabdikariin Qalbi-dhagax ayaa sheegay in aanu booqandoonin magaalada Muqdisho, halkaasi oo ahayd meeshii looga gacan galiyay dowladda Ethiopia, balse markii dambe uu ku guulaystay inuu dib xoriyadiisa u helo.

Qalbi Dhagax ayaa sidoo kale sheegay inaanu la kulmidoonin xukuumada Soomaaliya oo mas’uul ka ahayd dhiibistiisa, laakiin wuxuu u mahad celiyay barlamaanka Soomaaliya oo ka xumaaday sharci darrana ku tilmaamay go’aankii lagu dhiibay.

Cabdikariin Sheikh Muuse Qalbidhagax), oo hadda ku sugan Hargeysa, ayaa lagu wadaa inuu booqasho maalmaha soo socda ku yimaado magaalada Bosaso ee xarunta ganacsiga Puntland, sidoo kale wuxuu sheegay inuu tagidoono Galmudug.

Puntlandi.com

 

 

 

You must be logged in to post a comment Login