Mareykanka oo Al-baabada isugu dhuftay Qunsuliyadii uu kulahaa Magaalada Basra ee dalka Ciraaq
Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay Al-baabada isgu dhuftay Qunsuliyadii uu kulahaa madaalada Basra ee dalka Ciraaq ,sababo Amni darteed.
Mareykanka ayaa muwaadiniintiisa ku sugan Qunsuliyadaasi ugu baaqay in ay uga baxaan goobta si deg deg ah.
Xogahayaha arimaha dibada ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in mas,uuliyada amni daro ee ka timaada Qunsuliyada Mareykanka ee dalkaasi ay qaadi doonto dowladda Ciraaq.
Arintan ayaa timid kadib markii gantaalo lala beegsaday Agagaarka Qunsuliyada Mareykanka uu kulahaa magaalada Basra.
Magaalada Basra ayaa maalmihii udambeeyay waxaa ka dhacaayay dibad baxyo watay rabshado oo ay ku dhinteed dad badan .