(Dhegayso) + Sawirro: Kulan loogu yaboohayay Caruurta Naafada ka ah maqalka oo Bosaaso lagu qabtay
Magaalada Bosaaso waxaa lagu qabtay xaflad loogu qareemayay dadka naafada ka ah maqalka .
Dr. cabdiraxman Xassan Maamulaha Dugsiga dadka naafada ka ah maqalka ayaa sheegay in hadafka loo aas aasay Dugsigan ay tahay sidii ardayda maqalka naafada ka ah loogu heli lahaa waxbarsho lamid ah tan ardayda maqalkoodu taamka yahay ay haystaan.
Mid kamid ah waalidinta ardayda baahiyaha gaar ka ah qaba oo isan ka hadlay kullanka aay sheegay in Dugsigan uu yahay mid waxbadan kusoo kordhinaya bulshada, loona baahan yahay in laga qayb qaato.
Suldaan Maxamed Muuse Maxamud Geel-xoor oo in ku dhow muddo laabatn sano ka shaqaynayey wax uqabashada dadka baahiyaha gaar ka ah qaba, ayaa bulshada ku booriyey in Maamulka Dugsiga ay gacan kusiiyaan sidii dugsigu uu usii shaqayn lahaa.
Waa markii ugu horaysay oo Dugsi noocan oo kale ah laga furo magaalada Bosaso, waxaana loo arkaa mid ay ka faa’idaysan doonaan ardayda maqalkoodu uusan dhamaystirnayn.
Halkan ka dhegayso.
Sawirro.
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.




