Dhaq dhaqaaq ciidan oo ka socoda deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool oo ay isku hor fadhiyaan Puntland iyo Malayshiyaadka Muuse Biixi
Wararka naga soo gaaraya deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in Saaka oo jimce ah halkaasi uu ka jiro dhaq dhaqaaq ciidan oo labada dhinac ay wadaan.
Dad goob jooge yaal ah ayaa Warsidaha Puntlandi.com u sheegay in Malayshiyaadka Muuse Biixi shalay ilaa iyo maanta ay wadeen dhaq dhaqaaq ciidan kadib markii ay maqleen booqashada Madaxweynaha Puntland uu ku joogo gobolka Sanaag.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlaayeen saaka waabarigii hub culus oo ka dhacayay aagaga ay ciidamadu isku hor fadhiyaan.
Soomalailand ayaa shalay ku hanjabtay in ay dagaal soo qaadi doonto oo ay difaacan doonto waxa ay ku sheegtay xududka uu Ingiriisku siiyay ee mala awaalka ah.
Ciidamada dowladda Puntland ayaa heegan adag kujira , kuwaas oo markasta diyaar u ah difaaca dalkooda iyo dulkooda.
Ciidamada Puntland iyo malayshiyaadka maamulka Hargaisa ayaa deegaanka Tukaraq isku hor fadhiya mudo haatan ku siman 9 bilood , waxaana laba jeer oo hore dhexmaray dagaal gaystay khasaare soo kala gaaray labada dhinac .
Puntland ilaa iyo hada kama aysan hadlin hanjabaadka ka soo yeertay Madaxweynaha malayshiyaadka Hargaisa ee Muuse Biixi .
Puntlandi.com Bosaaso.