|

Shirkii Golaha Wasiirada dowaldda Puntland oo markii ugu horaysay lagu qabtay maanta degmada Baran ee Gobolka Sagaan

Madaxweynaha dowladda Puntland C/wali Cali Gaas ayaa markii ugu horaysay maanta degmada Baran ee gobolka Sagaan waxa uu ku qabtay shirkii golaha Wasiirada ee dowladda Puntland .

Shirkan ayaa waxaa lagu ansixiyay xeerka ganacsiga ee dowladda Puntland oo ay Wasaarada ganacsiga dowladda Puntland ay soo hor dhigtay golaha Wasiirada Puntland.

Madaxweynaha ayaa soo kormeeray dhamaan xarumaha dowladda ee degmada iyo goobta ay ka socoto wajiga labaad ee dhismaha wadada Ceel-Daahir iyo Ceerigaabo. .

Waa safarkii labaad ee uu Madaxweyne Gaas uu ku tago degmada Baran ee gobolka Sanaag .

Puntlandi.com Bosaaso.

 

You must be logged in to post a comment Login