|

Waxgaradka Gobolka Mudug ee labada dhinac oo soo saaray xeer wax looga qabanayo Amniga magaalada Gaalkacyo

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka mudug ,waxaa maanta kulan ku yeeshay Isimada dhaqanka , Nabadoonada, iyo wax garadka Gobolka.

Odayaasha ayaa waxa ay ka shireen xaalada Nabad galyo ee magaalada Gaalkacyo iyo sidii loo dhaqan galin lahaa heshiisyadii ay kala saxiixdeen labada maamul .

Nabadoonada labada dhinac ee gobolka mudug ayaa isku raacay in ay samaystaan Xeer gaar u ah oo wax looga qabanayo amniga magaalada Gaalkacyo, kaas oo Qoristiisa mudo ay ku howlanaayeen waxgaradka.

Odayaasha dhaqanka ayaa isku afgartay in xeerkan qalinka lagu duugo 21 bishan oo ku beegan maalinta Nabad aduunka.

 

 

You must be logged in to post a comment Login