|

Maamulka Jubbaland oo kasoo horjeestay shirka golaha amniga ee madaxweyne Farmaajo iclaamiyay

(Puntlandi) Maaamulka Jubbaland Aadan Aw Xirsi ayaa caddeeyay inuusan ka qeyb galidoojin shirka Golaha Amniga Qaranka oo uu maalin ka hor ku baaqay Madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Wasiirka qorshaynta jubbaland Aadan Aw Xirsi, ayaa qoraal uu kusoo daabacay bartiisa Qoraal Twitter-ka wuxuu ku sheegay in aanay ka qeyb geli doonin shirka Golaha Amniga Qaranka ee lagu xayeysiiyay Barta Twitter-ka ee Villa Somalia.

Dowlad goboleedyada Jubbaland ayaa sidoo kale amray wasiirada maamulkiisa inay gebi ahaanba hakiyaan wada shaqeyntii u dhaxeysay hey’adaha dowladda Federaalka, taasoo ka dambeysay war murtiyeedkii shirka Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada.

 

Puntlandi.com

You must be logged in to post a comment Login