(Degayso ):- Madaxweyne kuxigeenka dowladda Puntland oo sagootiyay Ardaydii kaalmaha hore ka galay Imtixaanka oo dalka dibadiisa deeq waxbarasho ka heshay
Wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland ayaa kulan Sagootin ah waxa ay usamaysay 10 kii arday ee ugu saraysay Imtixaanka sanad Dugsiyeedka 2017-2018 ,kuwaas oo dalka dibadiisa ka helay deeq waxbarasho.
kulanka ayaa isugu jiray sagootin iyo dhiirigalin ,waxaana ka sooqayb galay Madaxweyne kuxigenka dowladda Puntland Injineer Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey Waalidiin iyo masuuliyiin kale.
Wasiirka Wasaarada waxbarashada Puntland Abshir Ow Yuusuf ayaa kula dar Daarmay ardayda in ay noqdaan kuwo dalkooda iyo diintooda anfaca dibna ugu soo laabta iyagoo aqoontoodu ay sarayso.
Madaxweyne kuxigeenka dowladda Puntland Injineer Camey ayaa dhankiisa ardayda ku bogadiyay dadaalka ay ay muujiyeen ,waxaana uu shegay in ay sifiican uga Faaiidaystaan fursadan ay heleen
Halkan ka dhegyso .
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.