Baaq kusocda Qurba joogta Gobolka Doollo Wardheer ee Dawlad Deegaanka Soomaalida.
Waxgaradka iyo Dhalinyarrada kasoo jeeda Gobolka Doollo ee Dawlad Deegaanka Soomaalida xaruntiisuna tahay Magaallada Wardheer waxay Baaq u dirayan Aqoonyahanka & Mas,uuliyiinta Dawlada dhexe iyo Mida ( DDS ) ee lagasoo doorto Gobolka iyo Degmooyinkiisa Gallaadi Danood Bookh, Yucub, Galxamur iyo Daratoole.
Baaqaan wuxuu kusocda dhammaan bulshada qeybaheeda kala duwan sida siyaasiinta Qurba jogta Dal jogta Isimada Macalimiinta Dhakhaatiirta, Ururada bulshada iyo Hay’addaha Gobolka ka hawl gala ee heer Federal iyo Heer deegaan.
Garoonka diyaaraddaha ee Wardheer waa xirmay dayac awgeed Jidadka Muhiimka ee Gobolka weli ma uusan gaarin heerka Gobollada kale ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Laamigii masoo gaarin Gobolka Doollo, ganacsigii uu la lahaa Gobollada kale ee (DDS) iyo Soomaaliya hoos ayuu’ u dhac, waxbarashadu waa mid aan lahayn Tayo buxda dhaqaatiirta Caafimaad
Gobolka Doollo ee Caasimaddisu tahay Magaaladda Wardheer ee Dawlad Deegaanka Soomaalida waa Gobolka labaad ee ugu baxaada weyn Gobollada Dawlad Deegaanka Soomaalida, waana Gobol Xudduud dheer la wadaaga qeybo kamida Gobollada Soomaaliya ee kala ah Gal-Gaduud, Mudug, Nugaal, Sool, iyo Togdheer, sidookale wuxuu soohdin la wadaaga labo kamida Gobollada Dawlad Deegaanka Soomaalida, wa Gobol ku yaal meel istiraatiiji ah muhiimna u ah isku xirka Ganacsiga Dawlad Deegaanka Soomaalida iyo Gobollada kale ee Soomaaliya.
Gobolka Doollo wuxu ka kooban yahay toddobo Degmo oo kala ah Gallaadi, Bookh, Danood, Daratoole, Galxamur, iyo -Yucub, xarunta Gobolku waa wardheer.
Waa Gobolka ugu fursadaha fiican dhanka Ganacsiga waana Gobol ay ku noolyihiin Mujtamac aad u badan Gobolka Doollo 10kii, sanno ee ugu dembaysay wuxuu ku jira dib u dhac dhanka dhaqaalaha iyo Arrimaha bulshada sida waxbarashada caafimaadka , Ganacsiga iyo Jidadka.
Dadkii la rabay inay Gobolka hormariyan waxay Maalgashi ku samaysteen Jigjiga , Gaalkacayo iyo Boosaaso, iyo meelo kale kadib markii Xukumaddii Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ay saartay xannibaad dhanka xudduudaha, taso keentay in Gobolka Doollo uu noqdo mid ka dambeeya Gobollada kale ee DDS.
Isbeddelka ka curtay Dawlad Deegaanka Soomaalida (DDS) waxaa muuqta inaanu weli Gobolku la jaanqaadin in kastoo isbeddelku cusub yahay haddana siyaasiinta Gobolka matala iyo bulshada qeybaheeda kala duwan kuma bararugsana dib dhac Gobolka ragaadiyey ee Fadhiidka ka dhigay.
Baaq farrii
Baaq Qurba jogta Gobolka Doollo ee ku nool Qaaraddaha Adduunka waxaa loogu baaqaya inay dib u’ egan Deegaankoodii kuna celiyan Aqoontooda iyo maalkooda, sidookale Xildhibaannada Heer Federal iyo heer Dawlad Deegaan waxaa laga codsanaya inay Gobolka xaquuqdiisa si cad u matalan waayo matalayaasha Gobolka ee Dawladdu waa xildhibaannada laga soo doorto Gobolka.
Baaqan waxaa diraya wax garadka kasoo jeeda Gobolka Doollo kadib maray u kuur galeen dib dhaca ka jira Gobolka Doollo ee xaruntisu tahay Wardheer, u kuur galkan ay aqoonyahanadu kasameyaan dhammaan Degmooyinka iyo Santarada waxay walaac ka muujiyeen in muddooyinkii dambe aysan ka jirin hormar la taaban karo oo ka jira Degmooyinka Gobolka ee kala ah Danood, Bookh, Gallaadi, iyo Santarada waweyn ee Gobolka hoos taga, haddii aan Gobolka loo gurmana wuxuu noqon doona mid ka hara dhammaan G,kale ee Dawladd Deegaanka Soomaalida.
Dhanka kale waxa Dayac weyn ka muuqda (Garoonka) Diyaaradda
Ugu dambeyntiina Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Doollo waxaa aqoonyahanku
Cabdinuur Faarax Maxamuud