(VIDEO) Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ka hadlay safarkiisii Muqdisho iyo wararkii saxaafadu ka qortay.
Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Eng. Cabdixakiin Cabdulaahi Xaajin Cumar Camey ayaa beeniyay socdaalkiisii uu Muqdisho ku tagay inuu la xiriiray arrimaha siyaasadeed iyo olole doorasho, kadib markii qaar kamid ah warbaahintu sidaasi qoreen.
Madaxweyne ku xigeemku oo dib ugusoo laabtay Garowe, ayaa sheegay socdaalkiisii Muqdisho inuu ku saabsanaa arrimo caafimaad iyo guri Muqdisho uu ku lahaa oo muddo gacantiisa ka maqnaa oo uu kusoo guulaystay inuu gacantiisa kusoo celiyo.
Waxaa kale oo uu sheegay inay is arkeen madaxda dowladda federalka, balse aysan jirin wax ku saabsan arrimaha Puntland ah oo ay ka wada hadleen.
Halkaan ka daawo.