(Dhagayso):- Taliska qaybta Booliska G/bari oo ku daba jooga Xubno katirsan Al-Shabaab iyo Daacish
Taliyaha qaybta Booliska gobolka Bari C/xakiin Yuusuf Xuseen oo Waraysi dhinacyo Badan taabanaya siiyay Warsidaha Puntlandi.com ayaa sheegay in ciidamada Amniga ee gobolka Bari ay gacanta ku soo dhigeen rag looga shaki sanyahay Shabaab iyo Daacish “ayna socdo baaritaanka xogta ragan katirsan Al-shabaab iyo Daacish .
Taliyaha ayaa sheegay in dhalinyarada Mobilada furata ay ciidamada ka Mashquuliyeen howlgaladii kale ee lagu baacsanayay xubnaha Al-shabaab iyo Daacish ka tirsan ee ku dhuumaalaysanaya magaalooyinka waawayn ee Puntland .
Waxa uu sheegay in dhalinyaradan ay u aqoonsan doonaan in ay la shaqeeyaan Al-Shabaab “hadii aysan waalidiintu caruutooda aysan ceshan .
Shacabka ayuu ugu baaqay in ay la shaqeeyaan ciidamada Booliska .
Halakan ka dhagayso.
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.