Taliska Ciidamada Maraykanka ee AFRICOM oo duayn cirka ah ku dilay xubno katirsan Al-shabaab
Ciidamada milatariga ee Maraykanka oo kusugan gudaha dalka Soomaaliya ayaa sheegay in maanta duqayn diyaaradeed ay ku dileen Malayshiyaad ka tirsan Al-Shabaab qiyaastii meel magaalada Muqdisho ujirta 40kmtr.
Taliska Maraykanka ee AFRICOM ayaa sheegay in howlgalkan ay ku dileen sadax kamid ah kooxda Al-shabaab ayna ku bur buriyeen gawaari ay saarnaayeen Qaraxyo .
Ciidamada Maraykanka ayaa sheegay in howlgalkan wax khasaare ah uusan ka soo gaarin dad shacab ah .
Duqayntan ayaa noqonaysa tii 21-aad oo ay Maraykanku ka fuliyaan gudaha dalka Soomalaiya ,waxaana duqaymahan lagu dilay tobonaan ka tirsan Al-shabaab .
Maraykanka ayaa duqaymihii hore waxa ay ku beegsanayeen Saraakiisha sare ee Al-shabaab “balse maalmahan Ciidamada Maraykanka waxa ay beegsanayeen Malayshiyaad Al-shabaab iyo gaadiidka ay Qaraxyada ka buuxiyaan oo ay ku soo Diyaariyaan gobolka Shabeelaha hoose .