|

BREKING:-NEWS:-Itoobiya oo Maxkamad soo taagtay Madaxweynihii hore ee Dowladd deegaanka Itoobiya iyo xubno ka tirsanaa Golihiisa

Maxkamad sare oo ku taala dalka Itoobiya ayaa maanta waxaa la hor keenay Madaxweynihii hore ee dowladd deegaanka Itoobiya iyo saraakiil sar sare oo ka tirsanayd xukuumadii uu hogaaminayay .

Madaxweynaha iyo saraakiisha laxiran ayaa sida ay dowladda Itoobiya sheegtay Waxaa loo haystaa dambiyo la xiriira ku xad gudubka xuquuqda aadanaha iyo kicin Rabshado ka dhexeeya qoowmiyado wada dagan dalka Itoobiya

Xubnihii maanta dowladda Itoobiya ay Maxkamada soo taagtay waxaa kamid ahaa

1-brahim Mahdi :- Wasiirkii waxbarashada ee dowladdii Camdi Maxamuud Cumar.
2-Abdi jamal Kelonbi : – Wasiirkii Cadaaladda ee Xukuumadii hore .
3-Cumer Abdi – Madixii siyaasadda ee ee xibiga Ethiopian Somali People Democratic Party (ESPDP)
4-Ibrahim Mohammed Mubarek – Duqa magaalada Jigjiga
5-Rahma Mohammed : – Wasiirkii haweenka, iyo Deeq C/laahi .

Go’aanka maxkamadda lagu soo taagay Madaxweynihii hore ayaa yimid kadib Markii Baarlamaanka dowladd deegaanka Itoobiya ay xasaanadii ka qaadeen C/Maxamuud Cumar .

 

You must be logged in to post a comment Login