BREKING:-NEWS:- Doorashada Duqa degmada Garoowe oo ku guulaystay Axmed Bare Siciid
Hoolka wayn ee dowladda hoose ee magaalada Garoowe waxaa maanta ka Dhacday doorashada Duqa degmada Garoowe oo ay ku tar tameen Musharaxiinta kala ah , Axmed Bare Siciid Muuse iyo Maxamed Abshir Jaamac Bakuuke .
Goobta ay doorashada ka dhacday waxaa goob joog ka ahaa ,wasiirka arimaha Gudaha iyo dowladdaha hoose C/laahi Timacade iyo kuxigeenkiisa , Wasirka Caafimaadka Puntland iyo mas,uuliyiinkale .
Doorashada ayaa waxaa ku guulaystay Axmed Bare Siciid Muuse oo helay 18 cod , Halka Maxamed Abshir Jaamac Bakuuke uu ka helay 8 cod .
Xildhibaanada golaha deegaanka ee degmada Garoowe ayaa ka kooban 27 Xubnood oo dhawaan la soo xulay .
Halkan ka daalaco Sawirrada .