Maamulka Hargeysa oo ugaarsan xoogan ku haya shacabkii kasoo cararay rabshadihii dowlad degaanka
Magaalada Hargeysa waxaa ku soo badana xariga dadka asalkoodu ka soo jeedo Daaroodka ka soo qaxay rabshadihii ka dhacay kilinka ismaamulka Soomaalida Itoobiya.
Dadkan oo cabsidu keentay Somaliland waxaa lagu xidhaa waa laga shakiyey, lacag baad sidataan, nin masuula ayaa ku qabi jiray.
Dhacda ugu layaabka badnayd waxay ku dhacday Hooyo Umul ah oo ilmo yar haysata, caruur kalena wadatay oo meeshii ay deganayd laga soo qabtay, caruurteediina laga soo qaaday, sidoo kale waxaa lala soo qabtay Gabadh 17 jir ah oo carruurta la waday, xabeen hore ilaa shalay booliiska Hargeysa ayaa haystay.
Hooyadan waxaa lagu xidhay waxaa ku qabi jiray nin sarkaal ka ahaan jiray Madaxtooyada Kilinka 5 aad, mararka qaar waxaa lagu doodayaa waxaa naloo sheegay inay lacag haysato, iyadoo aad moodo in Hargeysa laga aaminsan yahay inaan qabaailka Absamaha ahi ay yihiin dad faramadan oo aan lacag 10000 oo dollar gaadha haysan karin.
Waan ka shakinay waxay noqotay qodob lagu xalaalaysto xadgudubka shacabka kilinka 5aad.
Hooyadaas iyada iyo carruurteedii la kala irdheeyey markii la ogaaday waxaan ilaa shalayto aan ka fadhiisan oo raadinayey Xubno aad uga xumaaday dhacdan foosha xun ee tii Liyuu Booliiska lagu eedayn jiray la mid ah, xubnahaas oo kala ah, Xildhibaan Xasan Shahar Cabdi Cali oo ka tirsan Dawlada Hoose ee Hargeysa, Agaasime Guud Maxamed Cilmi, Mujaahid Xasan Guure oo ah Gudoomiyaha madasha Somaliland.
Muran iyo dagaal badan waxay xalay ku guuleysteen inay damiin ku soo daayaan Hooyadii dhibanayd, saakana waxay bilaabeen inay raadiyaan gabadhii yarayd oo xalay lala hadhay, saacadan oo ay qoraxdii ka dhacday magaalada Hargeysa weli waxay u wareegayaan siideynta gabadhii yarayd.
Dhacdooyinkan noocan oo kale ah ee Hargeysa gudaheeda laga sameynayaa waa kuwo ceeb iyo Soomaalinimo xumo ku ah Somaliland, waxaana dadka waxgaradka ahi isweydiinayaan, goormaynu noqonay Booliiskii Itoobiya? Aqoonsise ma ku helaynaa? Xageese lagu arkay qof soo qaxay oo interi ma wadatid lagu xidhayo? waxay ahayd hadii qofka suaashaa lagala maarmi waayo in la weydiiyo ma kilinka 5 aad baad ka timid? xagee ka soo gashay? markaynu Itoobiya u qaxnay miyaa interi layna weydiiyey?
Sidoo kale waxaa maanta la sii daayey Wasiiro ka tirsanaa oo mudo Hargeysa ku xidhnaa, kadib markii Itoobiyadii loo xidhay ee la doonayey inay soo dalbato ka aamustay.
Puntlandi.com