DAAWO Shirkii jaraa’id ee guddiga difaaca Puntland ugu jawaabeen Somaliland.
Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Cabdulaahi Timacadde oo katirsan guddiga difaaca Puntland, ayaa beeniyay inay jiraan ciidamo katirsanaa Puntland oo ku biiray kuwa Soomaaliland.
Hadalka wasiirka ayaa ahaa jawaab ay guddiga difaacu ka bixiyeen kadib kadib markii Somaliland ay soo bandhigtay ciidamo iyo gaadiid dagaal oo ay sheegtay inay kasoo goosteen jiidaha dagaalka ee ciidanka Puntland kaga sugan yihiin gobolka Sool. Wasiirka arrimaha ayaa hadalkiisa ku daray ciidamada ay soo bandhigtay Somaliland inaanay waligood kamid noqon ciidamada Puntland, balse ujeedadu tahay in lagu niyad jabiyo shacabka Puntland.
Afhayeenka xukuumada Puntland, Cabdulaahi Maxamed Jaamac (Quraanjecel), oo isagana xubin ka ah guddiga difaaca Puntland ayaa ka hadlay xaalada gobolka Sool, farriina udiray madaxda maamulka Hargeysa, isagoo u sheegay shacabka Sool inaan madax furasho siyaasadeed marnaba loo isticmaalidoonin, gobolka Soolna uusan sii ahaandoonin xagooda.
Halkaan ka daawo muuqaalka.