|

(Akhriso):- Maxay ka wada hadli doonaan Abiy Axmed iyo Mustafe Muxumed Cumar Madaxweynaha Cusub ee dowladd deegaanka Itoobiya ?

Magaalada Adis-Ababa caasimada dalka Itoobiya waxaa maanta kulan xaasaasi ay ku yeelan doona Madaxweynaha cusub ee dowladd deegaanka Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar iyo Ra’isulwasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed .

Sida ay ilo xogogaal ah ay u sheegeen Warsidaha Puntlandi.com madaxda ayaa ka Wada hadli doonta xaalada siyaasadeed ee dowladd deegaanka Itoobiya dib u soo Celintii adegyadii bushada iyo Amniga guud .

Magaalada Adis- Ababa wali waxaa ku sugan xubno katirsan Guddiga fulinta Golaha Dimuqraatiga Shacabka Soomaalida Itoobiya iyo in kabadan 2 Kun oo qof oo ka mid ah hogggaanka Siyaasada dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Marka uu kulanka soo idlaado ayaa waxaa lafilayaa in Madaxweynaha cusub ee Dowladd deegaanka Itoobiya uu ka dago magaalada Jigjiga .

Dhinaca kale wali waxaa kuxiran magaalada Adis-Ababa Madaxweynihii hore ee Dowlad deegaanka Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ,waxaan shalay magaalada Hargaisa lagu qabtay xubno horay uga tirsanaa golihiisa Wasiirada oo ay kamid ahaa yeen Wasiirkii Waxbarashada iyo Cadaalada .

You must be logged in to post a comment Login