(Dhagayso):- Sarkaal sare oo ka soo goostay Maamulka Hargaisa oo faah faahin ka boxiyay Sababta uu uag soo baxay maamulkii uu ka tirsanaa
Sarkaal lagu magacaabo General Caare dhawaana ka soo goostay maamulka Muuse Biixi ee magaalada Hargaisa kana mid ah Jamhada la magacbaxday Xornimo udirirka gobolada waqooyi ee Soomalaiya, ayaa sheegay in hadalkii Dhawaan ka soo yeeray Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Soomaaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ee ahaa in aan la joogin waqtigii jabhadeenta Soomaalilandna loo Gabaahan yahay in ay arintaasi ka hor tagto ayuu kornaylku waxa uu arintaasi uga jawaabay si kululu .
Caare ayaa sheegay in sababta uu uga so goostay Soomalailand ay tahay in markii uu arkay dulmiga iyo cadaalad darada ka dhex jirta maamulkaasi iyo dhibaatada lagu hayo beelaha dulman uu go,aansaday in uu isaga soo baxo .
General Caare ayaa sheegay in ay jiraan Saraakiil iyo ciidamo farabadan oo ku Dulman maamulka Hargaisa.
Dowladda Puntland ayaa dhawaan Sarkaalkan waxa ay saldhig ciidan ay ka siisay duleedka magaalada Qardho ee xarunta gobolka kar kaar si uu halkaasi uga jamhadeyo .
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.