|

(Akhriso) :- Micheal keating oo ku baaqay in dowladda iyo maamul Goboleedyada laga taageero siyaasada iyo nidaamka Faderaaliisamka

Madaxa Howlaha Gargaarka ee Qaramada Midoobay micheal keating, ayaa ku baaqay taageero dhab ah oo gacan ka geysanaysa dhiirigelinta siyaasadeed ee ku wajahan hoggaamiyaasha Soomaaliya ee heerarka Federaalka iyo heer gobolkaba.

Mr. Keating ayaa qiray inay jiraan dhibaatooyin siyaasadeed iyo cilaaqaad qeexmo u dhexeeya dawladda iyo dowlad goboleedyada, taasoo dhaawac ku noqon karta hadafyada muhiimka ah iyo xasilloonida gobolka

Wakiilka Qaramada Midoobay ayaa sidookale Golaha Qaramada Midoobiyay u gudbiyay horumarka laga gaaray diyaarinta iyo gudbinta shuruucda muhiimka ah, sida Sharciga Isgaarsiinta iyo Xeerka Xuquuqda Aadanaha, iyo dhamaystirka dib-u-eegista dastuurku uu ahaa mid muhiim u ah hirgelinta doorashooyinka 2020-2021.

Keating ayaa warbixintiisa ku daray in baahi weyn loo qabo Qaab-dhismeedka sharci-dejinta iyo heshiiska ku saabsan qaabka doorashada, taasoo gacan ka geysanaysa in laga saaro shakiga haddii Soomaaliya ay ka guuri karto nidaamka ‘4.5’.

Mr. Keating waxaa kale oo uu ka hadlay Wax ka qabashada amni-darrada iyo khatarta sii socota ee ka imanaysa Al-Shabaab, isagoo sheegay in loo baahan yahayin in si adag ah loo fuliyo Heshiiskii Nabad-galyada Qaranka.

 

Mr. Keating Wuxuu sidoo kale hoosta ka xariiqay baahida loo qabo in la hubiyo maalgalinta la saadaalinayo ee Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) si loo ilaaliyo horumarka dalka iyo dadka Soomaaliya .

 

Keating ayaa waxa uu qoraalkiisa ku cadeeyay in aysan ciidamada Soomaaliya diyaar u ahayn in ay garab istaagaan mas’uuliyadaha buuxda.

 

QM ayaa sheegtay dhibaatooyinka siyaasadeed ee ka dhex ooggan dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada, inay qatar ku yihiin dedaalada socda ee dowladnimada

You must be logged in to post a comment Login