|

Darawal gaari oo siday meedka Aabihiis oo Bartamaha magaalada Muqdisho lagu toogtay

Askari katirsan Ciidamada dowladda fadaraalka Soomalaiya ayaa maanta magaalada Muqdisho waxa uu ku Toogtay nin Darawal ahaa oo waday Aabihiis oo meed ahaa si uu u soo aaso .

Goobta uu dilku ka dhacay ayaa ahayd goob lagu baaro gaadiidka dadweynaha oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda.

Ciidamada ayaa gacanta kudhigay sida la sheegay askarigii dhacdadan foosha xun Gaystay ,mana jirto wax faah faahin ah oo ay saraakiisha ciidamadu ay ka bixiyeen Dhacdadan.

Ciidamada dowaldda ayaa markasta sidan oo kale ku dila dadka shacabka ah Wadooyinka magalada Muqdisho siiba Darawalada gaari Bajaajta wata.

 

You must be logged in to post a comment Login