Xujay Soomaali oo kugeeriyootay Magaalada Mina
Uguyaraan 2 qof oo Xujay Soomaaliyeed ah ayaa ku geeriyootay isbuurasho kadhacday magaalada barakaysan ee Mina.
Magacyada dadkan shahiiday ayaa waxaa lagu sheegay in ay kala yihiin Xaaji Axmed Saalax iyo Xaaji Xasan Maxamed jimcaale.
Magalada Mina ayaa 5km waxa ay u jirtaa Magalada Barakeysan ee Maka iyo Banka Carrafo.
Isbuurashada ka dhacda Xajka ayaa sanadwaliba waxaa ku shahiida Muslimiin ka so kala jeeda wadamada Muslimka ah ee daafaha caalamka isga kala yimaada .