Jublanad oo soo dhawaysay Madaxweynaha cusub ee dowladd deegaanka Itoobiya
Maamulka Jubaland ayaa soo dhaweeyay Madaxweynaha cusub ee dowladd deegaanka Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar (Mustafe Cagjar) oo xalay Golaha dhexe ee xisbiga dimoqradaadiga shacabka Soomaalida Itoobiya ay u dorteen in uu noqdo Madaxweynaha dowladd deegaanka Itoobiya.
Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe ayaa udiray Madaxweynaha cusub hambalyo iyo bogaadin kadib markii uu qadka telfoonka uu kula xiriiray.
Mustafe Cagjar ayaa la shaqeynayay Qaramada Midoobey, gaar ahaan Xafiiskeeda Soomaaliya, waxaa la sheegaa in qoyskiisa ay dhibaatooyin kala kulmeen Maamulkii hore uu hoggaaminayay Cabdi Maxamed Cumar Madaxweynihii hore ee dowladd deegaanka Itoobiya .