Maxay ka wada hadleen Saraakiisha Ciidamada Itoobiya iyo Isimada dhaqanka e dowladd deegaanka Itoobiya? :-Akhriso
Magaalada Jigjiga waxaa kulan ku yeeshay Saraakiisha ciidamada Milatariga ee Dalka Itoobiya iyo Isimada dhaqanka ee dowladd deegaanka Itoobiya .
Arimihii laga wadahadlay ayaa waxaa kamid ahaa sidii xal loogu raadin lahaa xiisada udhaxaysa Oromada iyo Soomalaida .
kulankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Garaadka guud ee dowladd deegaanka Itoobiya Garaad kulmiye, Siyaasiyiin, iyo qaybaha Bulshada.
Isimada ayaa saraakiisha ciidamada Itoobiya waxa ay kala hadleen dhacdadii shalay ka dhacday duleedka magaalooyinka Herer iyo Baabili oo shalay Oromada ay kudileen shan qof oo Soomaali ah.
Odayaasha ayaa sheegay in Saraakiisha ay ugu jawaabeen in aysan waxba ka qaban karin dagaalka Oromada ka dhanka ah ,arinatan aytahay mid iyaga ka saraysa.
Ciidamada Itoobiya ayaa wali gacanta ku haya qaybo badan oo kamid ah dhulka Dowladd deegaanka Itoobiya, waxaana intabadan halkaasi ka dhacay weerarada ay Qoomiyada oromada ay ku soo qaadaan Soomaalida dagan halkaasi.
Magaalada Adis-Ababa wali waxaa kuxiran oo xabsi guri kujira Madaxweynihii hore ee dowladd deegaanka Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar .