|

(Dhagayso) +Sawirro:- Bosaaso oo maanta siwayn looga Ciiday iyo Gudomiye Dhado oo ka digay in ay Soo laabtaan Golihii hore ee Deegaanka

Boqolaal dadweyne ah yaa maanta isugu soo baxay Garoonka kubada cagta ee Magaalada Bosaaso iyo Masaajida ku yaala magaalada .

Gudoomiyaha Gobolka Bari ,kuxigeenka Duqa Degmada Bosaaso ,Cumlimaa udiin , iyo xubno ka tirsan golaha Wasiirada ayaa dadweyanaha Bosaaso labadii ragcadood ee Salaada kula tukaday Garoonka kubada cagta ee Magaalada Bosaaso .

Gudoomiyaha Gobolka Bari yuusuf Maxamed Wacays Dhado oo goobta ka hadlay ayaa faah faahin ka bixiyay Howlgalo maalmahan ka socday magaalada Bosaaso oo lagu baacsanayay dhalinyarada Moobilada xiliyada habeenkii dadka kafurta .

Gudoomiye Yuusuf Maxamed Wacays Dhado ayaa soo hadal qaaday dhismaha Golaha deegaanka ee degmada Bosaaso iyo sida lagu soo xuli doono waxaana uu ka digay in ay dib u soo laabtaan xubnihii hore.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in 28 ka bishan la soo xulu doono golaha deegaanka ee Degmada Bosaaso

 

      Gudoomiye dhado

Halkan ka daawo Sawirrada.

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

You must be logged in to post a comment Login