|

Dib udhac ku yimid ku dhawaaqista Natiijadii ka Soo baxday doorashadii ka dhacday dalka Zimbabwe

Dalka Zimbabwe ayaa maanta oo khamiis ah waxaa la sugayay in lagu dhawaaqo Natiijada doorashadii ka dhacda dalkaasi, maalin uun kadib markii Ciidamada Amniga iyo dad dibad bax dhigayay ay isku dhaceen ,waxaana dibad baxan ku dhintay ilaa iyo Sadax qof oo shacab ah.

Codbixinta ayaa qabsoontay maalinimadii Isniita ahayd iyadoo lafilayay in Gudiga ay ku dhawaaqaan Natiijada ugu dambeen maalinimadii Arbacada ahayd ee shalay , waxaana dib loo dhigay mudo hal maalin ah.

 

Madaxweynaha dalkaasi ayaa maanta ku baaqay in baaritaan madax banaan lagu sameeyo rabashadii ka dhacay shalay dalkaasi ,isagoo ku adkeestay in baahi loo qabo in dalka si wada jir ah loo dhaqaajiyo.

 

You must be logged in to post a comment Login