Akriso : - Wararkii ugu dambeeyay Ee Shirkii Golaha Wasiirada Soomaaliya iyo Madaxda Puntland Ee ka socday Magaalada Garoowe0
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garoowe ee Caasimada dowladda Puntland Gaar ahaan Xarunta Madaxtooyada ayaa waxa ay sheegayaan in uu wali uu socdo shirkii Golaha Wasiirda ee Dowladda Somalaiya iyo Madaxda dowladda Puntland.
Shirkan ayaa ah mid ay Albaabada u xiran yihiin , waxaan ilaa haatan dibad joog ka ah Warbaahinta.
Madaxda ayaan ilaa iyo hada isku afgaran qodobada laga doodayo qaarkood sida uu Wararka ku helayo Puntlandi.com .
khilaafkan ayaa yimid ka dib markii Ra’iisul Wasaare kheyre uu ka baaqsaday in Madaxweyne Cabdiwali Gaas uu kala qayb qaato dhagax dhigii Dekeda Garacad ee Gobolka Mudug oo uu Madaxweynuhu uu dhagax dhigay , taas oo shacabka iyo Madaxda dowladda Puntland ay aad uga caroodeen.
Aqoonyahano reer Puntland ah oo ku sugan Garoowe ayaa aaminsan in shirkani sidii caadada u aheyd dawlada Federaalka ah uu ku soo dhamaan doono balanqaadyo been ah.
Aqoonyananka ayaa aaminsan in waxgaradka,Isimada, shacbiga iyo maamulada dawlada Puntland ee mudada dheer xukunka isaga danbeeyey ay fahmi la’yihiin, lagna dhaadhicin kari waayey in cadowga kowaad ee shacbiga iyo dawlada Puntland uu yahay maamulada Federaalka ah ee talada Xamar isu daba mara
Hadaba Akhristayaal halkan kala socda Warmurtiyeedka ka sobaxa shirkan.







