Muuse biixi Oo ka hadlay Qaraxii Buuhoodle iyo shaki laga qabo in Soomalailand ay ka dambaysay Weerarkan
Madaxweynaha Maamulka la magac baxay Soomalailand Muuse Biixi ayaa waxa uu ka hadlay Qaraxii xalay ka dhacay Magaalada Buuhoodle.
Muuse biixi ayaa waxaana uu sheegay in falkaasi uu ahaa mid ay aad uga xunyihiin, dadka laweerarayna ay ka soo jeedaan dhanka Soomalailand .
Waxa uu sheegay in laamaha Amniga ay wadaan baaritaan ku aadan Qaraxan .
Muuse biixi ayaa waxa uu rabaa in indhaha caalamka uu ka jeediyo falkan Argagaxiso nimo ee uu maamulkiisa soo Qorsheeyay sida ay Puntlandi.com u xaqiijiyeen ilo madaxbanaan oo magacooda qariyay sababo Amni dartood.
Al-shabaab sida la ogyahay kama howlgalaan Gobolka Cayn ,kumana laha wax saldhigyo ah dadbadan oo siyaasada Geeska Afrika falanqeeya ayaa Aaminsan in Qaraxan uu ahaa mid siyaasadeesnaa , maadaama raga qaraxa lala eegtay maalmahan Buhoodle ay ka wadeen olole lagu qorayay ciidamo cusub oo deegaanka ah kuwaas oo ka qayb qaadan lahaa dagaalka Tukaraq looga xoraynayo Malayshiyaadlka Muuse biixi .
Dowladda Puntland ilaa iyo hada wax war ah kama aysan soo saarin Qaraxan .
Halkan ka Akhriso Warqada uu soo saaray Muuse biixi .
