Sida aan og nahay Soomaaliya waxaa guumaaysan jirey Ingiriiska iyo Talyaaniga marka laga reebo Jabuuti,Ingiriisku markuu waqooyi yimid wuxuu heshiisyo la galay Qabaa’iladii degaanka isagoo gooni gooni ukala qaybshay, reer walbana heshiis gooni ah ayuu la galay,lakiin hal reer ayaa heshiiskas uusan la galin Ingiriisku.
Hadaba waxan halkaan idiinku heynaa heshiiskii dhex maray Soomalida Waqooyi iyo Ingiriiskii sanadkii 1884 xiligii guumeystuhu Dalka yimid, heshiiskaasoo Orginalkii ah ayan idiin haynaa, qaybta ugu dambeysa qoraalka waxaa yaal heshiisyadii oo orginal ah koobigooda ka akhriso.
Dad badan ba iswaydiinaya maxaa sababta keentey in Soomaaliland ay yimaadaan Muqdisho sanadkii 1960 iyagoo leh waxaan doonaynaa inaan ku biiro walaalahayo Soomalida Koonfureed.
Bilowgii Heshiiska 1884
Xiligii gumaysigii ka hor Soomaalidu iyo Africankuba waxay lahaayeen xuduudyo qabiil oo sahmiyeyaashi aduunka iyo dadka deegaankuba u kala dhexeeyay, aduunkuna u kala aqoon sanaa, waxaa la oran jiray ( Clan territorial ).
Markii dhulka Soomaaliya gumaysiga Inglriisku soo galay sidii uu rabay asaga iyo Talyaaniguba ayaa xad u kala samaystey Soomaaliya, Ayagoon Soomaalida kala tashan, waxayna markaas khariidad ama map ku kala xariiqdeen dhulkii Soomaaliya.
Markaad eegtid hishiiska uu Soomaliland la galay, waxaad arkaysaa in uu madaxda qabaa’ilka Gadabuursi,Esse iyo Garhajis, Habar jeclo, Habar Awal uu lagalay hishiis gaar ah oo qabiil qabiil ku salaysan , Laakiin Warsangali Qabiil ahaan kulama ay hishiin ee Dhulka uu dago Warsangali ayuu hishiis Gaara kula galay. koosoo ka gadisnaa kan qabiilada Isaaq, Ciise iyo Godobiirsay ay la galeen.
XUSUUSIN» Heshiiska Dhexmarey Ingiriiska iyo Warsangali wuxuu ahaa mid ka duwan heshiisyada kale, wuxuu ahaa mid ku salaysan guumeysi diid iyo in Warsangali iyo Ingiriiss ku heshiiyeen is tix galin iyo in cara warsangali ay keensadaan nin sidii safiir u shaqaynaya.
Dhulbahantana wax heshiis ah lama aysan galin Ingiriiska oo dagaal bay la galeen, ilaa uu ugu dmbeyntii Ingiriisku adeegsadey diyaarado uu ku jabiyey Daraawiishtii.
Taariikhdii Hishiiskaas
Ingriiska waxaa hishiiska u saxiixay Major Frederick Mercer Hunter oo ahaa Wakiilka siyaasada ahaana Qunsulkii Xeebaha Somalia.
Gudabursi odayaasha qabiilka iyo Britishka waxay hishiiska ku wada galeen Zaylac Dec,11,1884.
Eesse Somali - Zaylac Dec, 31, 1884.
Habar jaclo - Aden Dec,26,1884
Gerhajis - Aden Jan, 13,1885
Habar Awal - Berbara July 14, 1884
Hishiiskii ka duwanaa kuwaas ee Warsangali kala saxiixdeen waxaa kala saxiixey wakiilkii Ingiriiska F.M.Hunter iyo Garaad Muhamed Mohamud Ali, Garaadka Warsangali ee Xiligaas, heshiiskaasoo ka dhacay Bunder Gori - Jan.27, 1886
Dhulbahante iyo British heshiis ma dhex marin oo daraawiish la dagaalamaysa Britishka yee ahaayeen.
Horta taariikhdii waxay qoraysaa in 6 qabiilo hishiis lagashay Ingrishka oo midwalaba ay tahay in uu gaarsiiyo xoriyad u gaara iyo Dawlad wanaag. Lixdankii xal buu u ahaa Soomali land in ay kusoo biiraan Soomaaliya hadii kale 7 Dawladood ayeey ahaan lahaayeen taasoo ah siyaasada gumaysiga ee uu watay Britishku xiligaas, Lixdaa dowladoodna ma lahayn dhaqaale iyo siyaasad toona, 1960 Siyaasiyiintii xiligaas waxay istuseen in aysan sinaba uga maarmi karin Soomaalida kale waayo waa sida kaliya ee ay kukala badbaadayaan qabiiladaas.
Hoos ka akhriso orginalka Heshiiskii Ingiriirka iyo Qabaa’ilada Waqooyiga Soomaaliya sanadkii 1884
Waxaan u mahad celinaynaa oo Documents-kaan keydiyey C/qaadir Sh. Mohamud ( Gaduudaw ).
Qorlaalka waxaa diyaariyey M.A.Horeeye
RSS Feed
Posted in 











Waxaan rabaa inan saxo Suldaanka warsangeli e saxiixay heshiiskan. Heshiisakan waxaa saxiixay Garaad Maxamed Maxamud Cali oo la Odhan jiray(Cawl) Ahaana awoowihii rumaad ee Suldaan Maxamud Cali shire.
Suldaan maxamud cali shire waxuu ku beegnaa qarnigii labaatanaad. Waxuu kaqayb qaatatay saldanad ahaan soo DHOWEYNTII iYO GARABSIINTII Sayidka. Sida taariikhda ku xusun suldaan maxamud waxuu dagaalla galay ingiriiska waxaanu colku faafiyey Sanaag ilaatogdheer waxaanu galay dagaalo badan sida taariikhdu ku cad waxaa lagu soo hubeeyey reerihii ingiriisku ka garab dagaalamayey dhamaana waa ku jebshey, Suldaan maxamud markii dhulka lagaga adkaan waayey cunaqabatayn xaga badaa lasaaray. waa taariikh dheer aan halka lagu soo koobi karin.
Markii danbe shirqool baa loo dhigay waana laxiray sagaal sano jasiirada soomaalidu u taqaan sheel sheel.. markuu soo noqdayna waxuu dib u bilaabay baadi doonkii soomali waxxaanu hormuudka ahaa asaaaskii xisbigii USP isagana u bixiyey meesha lagu asaasay GOL KHAATUMO. WAXAANU DHINTAY BILO KA HAOR INTAAN XORNIMADA LA QAADAN ALA HAW NAXARIISTO HALYEY IYO HOGAAMAY SOOMAALIYEED suldaan maxamud cali shire.
WAXBADAN AYAAN FAHMAY. GUMAYSIGA WUXUU RABAY INUU LAHESHIYO SALDANADII SULDAN MAXAMUUD CALI SHIRE. INA CALI SHIRE WUXUU KUYIRI ENGLAND ADAA SHARCIDARO KUJUGA WADANKA MAXAAN KUHESHIINAA.
SULDAN MAXAMUUD CALI SHIRE ILAAH GANADI FARSUUSA HAKAWARABIYO, SOMALI KALE KAMADAMBAYN.
WE MISS YOU SULDAAN!
haye kolkii aad fahanteen in xaqiiqo soo socoto ayaad la timaadeen in aad sheeko cusub la timaadaan. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk aduunku waa ogyahay oo qaramada midoobay way haysaa documentyadii ay dowlada britain u gudbisay xiligii ay somaliland xoriyada qaadanaysay. kolkaa waxaad dhoodhoobteen wax laga rumaysan maayo. kolkaa talo waxaa idiinku roon in aad ku iimaansataan intii uu talyaanigu idiinkaga tagay. waayo somaliland waa la ogyahay xuduudkeedu waa muqadas waana mid la siman kuwa africa oo kale. dowlada britain qabiiladii degenaa somalilanddhan isku hal heshiis ah ayuu la galay. waanu haynaa taariikhda saxda ah taasi oo ay bbc somali ka sheekayso time fashilanta. guushana waxaa iska leh somaliland oo ah qaran jidka xaqa’ah ku taagan.
viva somaliland republic.
Waxaan ka codsanaynaa taariikhdaan dhaxalgalka ah in naloosoo turjimo oo Af-soomaali iyo inglish laga soo dhigo.
dadkii soo diyaariyay iyo webkaba waan u mahadcelinaynaa.
wax wayn baa noo dilaacay oo hadii Dhulbahante iyo Warsangaliba aan gumaysi kala qoqoba aanay arag maba hishiis hufan iyo dagaal yeey lakala galeen.
Horta Xuduudaha Dawladaha Debadaha ka yimi Samaysteen iyo xuduudaha Dadka Degaanku Samaysteen waa kala gooni Beelaha Qaarkood waxay Xuduud Beeleedyada u Samaysteen in ay kaga Badbadaan Xeeladihi Lugoyada aha ee wakhtigaas Dawladihi Casriga ahaa wateen.
Qaarna waxaa sabab u ahayd in la Sameeyo Dadki Geela kala dhici yiray si loo Xakameeyo Xuduudaha Qaarkood Isticmaar Ma Samayn ee Dadki Degaanka baa Sameyey oo Kelmada Isticmaar bay Adeegsanyireen.
waxay u Baahantahay Qod Qod iyo Fashilaad Baddan Arimaha Xuduuduha Somalia ee lagu muransanyahay.
walahi runta cidina madabooli kadho run ahan tiin wax kasta qoraalkooda waa lahelayaah hadii laradiyo ,
runtuna waxaa aay tahay in degan kaasi uu leyahay magac ahan dhulbahante dhulbahantana ka gabiyay howshiisii oo uu wax uu radiyo iskadhaafe uu asagu noqday magan degan kiisi fadlan ducoment gaan turjma oo mar kaas asagoo somali ah soo gali yi loo wada fahmo dhaman tiisba
DADKA U DHASHAY WARSANGELI ARINTA AMA TARIKHDA WAA OGAA OO KAMA QRSOONA IN CALANKA INGIRES DHULKA WARSANGELI MARNAA LASURIN WAA DHULKA AAN LAGUMEESAN WELIGEEDA INGIRIS IYO TALYAANI MIDKOODNA ILAAH BAA MAHADLEH,XORIYADAA INTAA LEEG WAXAA ISKALH.SULDAN MAXAMUUD CALI SHIRE ILAAH GANADI FARSUUSA HAKAWARABIYO
Waxaan aad iyo aad ugu mahad celinayah marka koowaad ENG.Cabdulqadir gaduudow oo aad taarikhdan mudada fog laga joogo u xifdiyey si uu jiilka danbe u ogaato xaqiiqda heshiisyadii la galay xiligii awoowayashod ka hor,marka xiga waxaan mahad balaran u dirayah MR.maxamed cabdi horeeye oo lahaa soo diyaarinteeda iyo soo gubinteeda, mahada balarana waxaan u celinayah webs.ka puntlandi oo noo suura galiyey inaan ogaano xogtaan.
Intaas kadib runtii wax loo baahnaa oo xili loo baahnaa lasoo bandhigay baan u arkaa qoraalkan,somalidu waa ogaatay xaqiiqda jirta,walalaha waqooyi in badan bay ummada maskaxdooda khaldaan waxayse aaminsanaayeen inaan la heli karin heshiisyadiii ayaga la,aantod taas maanta ummadu way ka dharagtay somaliduna waxay ku maahmaahdaa (Hasha labada geel jecel dhexdoodaa dhurwaagu ku cunaa) marka walalyaal somalinimo wax lagu waayey meel kale laga heli maayo ee somalinimada kusoo laabto hogaanka dalkana u tartarma hadad awal quursateen hogaamintii xumayd ee aad tirsanayseen, dalku maanta badbaado buu u baahanyahaye balse u baahna kala goyn iyo waxaan rabno hanaloo yeeelo,kaalintiinii baa banaan ee kasoo qayb qaata dibu dhiska dalka. waad mahadsantihin.
Taariihdani waxaysoo afjaraysaa beentii iyo xasaradii abaatanka sano wadeen beesha isaaq. Waxuu kaloo cadaynayaa dawlada keliya ee ka jirtay iany ahayd Saldanada Warsangeli. Dadka inta kale ay ahaayeen beelo rayid Sida ka muuqata heshiiska.
Waana sababta ugu weyn oo Isaqaqu u qaracnmeen markii Madaxweyne Faroole magcaabay ILka jiir inuu ka qayb galo shirka lagu hadlayo Somaliland. Waxayna dhinteen oo sii qarxeen MARKII suldaan siciid garoowe ka khudbadeeyey sheegayna in beentii soo afjarantay uu welibana tegayo London.
aad baa ugu mahad santihiin waxa ficnan lahayd in cuddii wax kale oon taarikhda saxda ah ahayn aaminsan inay sidaa ku qsncaan.
wa btllahi attawfiq
Heshiiskan wuxuu dahfuray xaqiiqo dadka ka qarsoonayd oo ah xuduudaha qabaailka. wuxuu kale oo muujinaya in qolo walba iskeed heshiiska ula saxiixatay Ingiriska iyadoon reerna reer waakiil ka ahayn. Arintaas waxay qiil la’aan dhigtay Beesha Isaaq oo jecel in ay aduunka umuujiyan in uu jiri jiray dal la oran jiray Somali land. Sida documents ka muuqata waxaa jiray labo xuduudood; mid waa xuduuda u dhaxaysa gumaystihii ingiriska iyo gumeystayaashii kale sida Talyaaniga iyo Faransiska, xuduudna waa tan u dhaxaysay qabaisha kala duwan oo mid walba goonidiisa ingirisku u maamulayey.
Waxaa la gaaray xiligii lagu wada hadli lahaa dood cilmi iyo caqli ku dhisan lagana gudbi lahaa damaca waalida iyo indho la’aanta ku dhisan.
Asc. Anigoo ah sxb gaar ah oo puntlandi leedahay kana mida ah reer puntland gaar ahaan gobolka sanaag waxan aad uga xumahay sida foosha xun ee warsangeli british treaty of 1886 Loo raaciyey heshiisyadii ay isku dhiibeen isaaq gadabirsey iyo ciise. Waxa laysugu keenay waa qalad taariikhda lagu sameynayo. Waxay ku kala duwanyihiin xiliga iyo nuqulka. Warsangeli waxay kula heshiiyeen dawlad ahaan ingiriiskuna wuu ogolaaday madax banaanida mandiqada. In heshiisyada oo dhan laysku soo qaado waa qalad iyo aqoon xumo. Maxaa yeelay hada hadii heshiisyadaan lagu soo daro heshiiskii suldaan cali yuusuf la galay talyaaniga waxa dad badani oran lahaa waa maxay waxa laysu keenay. Mida kale ee qaladka ahi waxa weeye odhaahda odhanaysa reer woqooyi waxay 60kii u yimaadeen oo somalia ugu soo biireen si ay u kala badbaadaan iyo iyadoo aaney lahayn wax siyaasada. Walaalayaal waxad halmaanteen in warsangeli iyo majeerteen aaney xad lahayn oo dhulka ay wada leeyihiin sidoo kale waxad ilowdeen in warsangeli iyo dhulbahante ay sameeyeen xisbigii usp oo gadabirseyna ay ku soo dareen iyaga oo isaaq ka jaraya si ay u mideeyaan dalka waayo waxa la kala fogeynayey waa daarood waana qorshaha ay hada wadaan cayr iyo isaaq iyo kuwo kale oo aan haybtooda la aqoon. Marka aad eegto usp iyo sida ay isu boodo u sameeyeen soomaali iyo gaar ahaana daarood cadkiisii usoo qaadeen lama odhan karo siyaasadi ma jirin oo waxay ahayd meel aan mabaadi lahayn. Waxa iga talo ah in taariikhda la saxo marka mawduuc laga hadlayona mawduucaas lagu ekaado.
OO INGIRIISKU XAAGEE KULAHESHIYEY OO DAYAASHI HARTIGA HADUU GUDABIRSEY ARB CIIDAGALE GARXEJIS HESHIIS SAYLAC KULAGALAY HARTIGA MAHARGEYSUU KULAGALAY SOO SAAS MAAHA
AC,
Waa arrin cajiib ah oo haddii asalkeedii la hayo soo afjaraysa wax badan oo buukh iyo been sheeg ah.
Laakiin shacabka sidee ugu xaqiijinkartaan in la hayo the original documents?
Khayr badan Allaha idin siiyo idinka iyo ninka aad tiraahdeen inuu kaydiyay documents-ka.
Waxbaa ka dhacay!!!! Waxaan filayaa Somali-diidka haddii la hor-dhigo ducument-igan hadal uma banaana. Inkastoo uu jiro dhaqan ay Somali-diidku caadeysteen oo ah waxaan annagu rabno ayaan socodsiineynaa, laakiin waxaa iyagana sugeysa halkii aad ka socodsiin laheydeen ayaa la rabaa.
aad baad u mahadsan tihiin Puntlandi
waxween ban kafa iday tariikh muhiim ah weye waxa naloo aqrin jiray wax ba kamajirin waxan idinka cotsanaynaa tariiqahaas oo kale nosoo gudbiya