Bosaso(Pi) Xarunta tarbiyada Al-badriya ee lagu xanaaneeyo cauurta ayaa saaka ilaalada xaruntu ay rasaas ood uga qaadeen Caruur isku dayey iney ka baxsadaan Xarunta, 8 ka mid ah ayaa dhaawacyo sahlan soo gaareen.
Xarunta Al-badriya ayaa ah goob caruurta loo maara waayey ay waalidkood keenaan si loo baro tarbiyada iyo Diinta, caruurtaan ayaa saaka isku dayay iney ka baxsadaan Skuulka balse ilaalada goobta ayaa ishortaagey ka dibna qaar kamid ah ardeydii ayaa gidaarka ka boodey oo cararey,isla markiina ilaalada ayaa rasaas ka daba ridey, waxayna rasaastii haleeshey 8 ka mid ah caruurtii, dhawaca ayaa inta badan ka soo gaarey lugaha, waxaana markiiba loola cararey Isbitaalka Magaalada.
Ciidamada Amaanka ayaa markiiba bilaabay baaritaan ku aadan arintaan, waxaana la war galiyey inta badan waalidkii cauurta.
Wariye madax banaan ayaa Puntlandi.com u xaqiijiyey in xaalada caruurtu ay aad u fiicantahay.
Falkaan foosha xun ayaa ah kii ugu horeeyey ee noociisa ah.
Puntlandi.com
Bosaso
RSS Feed
Posted in 











Waa ayaan daro dhacdadani balse kuwa Danbigan galay waa inay mutaystaan ciqaab sharcigana la horkeenaa, waxaana baaritaan aan sameeyey ii cadaatay in caruurt a lagu Dili jiray, si naxariis la Aana loo ciqaabo iyadoo la adeegsanayo bakoorado, ulo iyo suuman, xitaa haduu cunugu waxba galabsan waa la Dilaa si loo dhaqan celiyo, waxaa Kaaga Daran waxaa la siiyaa cunto Hal mar ah, waxaana la siiyaa bariis garcado ah, iyadoo biyana looga dhigo biyaha bada oo ka soo horjeeda, waxaa ka sii Daran iyadoo ilmahu markuu xanuunsado dil Arxan Daro ah loogu sii Daro iyadoo qiil laga dhiganayo in ilmahu Iska yeelyeelayo, waxaan waraystay limo 3 asbuuc xanuunsanaa oo sariirta saarnaa dawana la siin, doctorna aan loogu yeerin,
Waxaan ku soo gabagabeenayaa qoraalkaygan yaa masuul ka ah masiibadan balaaran ee ku dhacday dhalaankan aan waxba galabsan???????
Jawaabtu waa maamulka puntland,,,,waayo haduusan ilaalinayn xaquuqda shacabka iyo nabadgalyadooda, maxuu u dhisan yahay, bal Adba……..
Waxaan kula dardaarmayaa shacabka Reer puntland ee wanaaga iyo nabadaba jecel dhacdooyinka Noocaan oo kale ah aanu Iska ilaalino in ay mar labaad ka dhacdo deegaan kayaga waayo hadii kale waxaa halis ah in masiibo balaarani na haleesho….
Ilaahay waxaan ka baryayaa kuwii xaquuqda ilmaha oo innocent ah illaaliya, ugu a booskii dilka nasteexo iyo wax u sheegtid, saasaa caruurtu uu garaadkoodu ku kordhi karaa, asaagoodna ay kula tatami karajan, ilaahoow umadeena xaqa fahansii.
Wabilaahi towfiiq
Waxaas wixii caruur u dhiibtay baa ka waalnaa. Waxa meesha furtay ma al-habaab baa, only al-habaab baa dhimasho oo qura looga baxaaye. Only al-habaab baa xumaan reeba intay isleeyihiin dhiig islaam baneysta. Waxaan oran lhaa hala baaro waxa meesha lagu baro ciyaalka. Dadkiina laaya oo miinooyin meelaha dhiga bilee ciyaalku ka carrare.
WAXAAN DHAMAAN DADKA GEEYA MEELAHA LOOFURTAY LACAGTA. INAY KAFIIRSADAN. CARUURTA INAY GEEYAAN. WAAYO WAXAA JIRA IN AANAY DADKA SOMALIDU. UTABABAR NAYN SIDAY CARUURTA ULA DHAQMI LAHAAYEEN. WAAYO DILKA.CAYDA. IYO QAYLADU WAXBA MAWANAA JIYAAN.DIINTANA LAGUMA JECLAADO.BAL WAABA UGACARARA QOFKAAN CAQIIDO WANAAGSAN LABARIN. MARKA CARUURTU WAA AMAANEE AMAANADA ILAASHA.