Maqaal: Qaabeeyaha Dawladinimada Puntland

Dr. Faroole, Qaabeeyaha Dawladinimada Puntland

AbdiRashid M. D

In la asaaso Puntland maynan ahayn wax iska yimid hal mar ama ku yimid hal go’aan, waxay ahayd wax ku yimid sababo isbiirsaday oo ula muuqday dadkii taladu ka go’aday ee Deegaankaas inay muhiim tahay helitaanka Maamul iyo kala danabayn Deegaankooda gaar u ah, mar hadii Soomaalidii is indha buuxin wayday.

Dhamaan dadkii ka qaybqaatay naqshadayntii Maamulkii lagu dhawaaqay August 1998 mid walba Taariikhdu doorkiisii ma ilaawi doonto, reer Puntlandna way xusi doonaan, ha ahaadeen Siyaasiyiin ama Madax dhaqameed, ha ugu horeeyaan ALLAHA u naxariistee Madaxwayne C/Lahi Yusuf iyo Islaan Maxamed Islaan Muuse, waxay uga tageen dadkooda dhaxal iyo wax ay maanta ku faani karaan abaalkooda waligood loo hayn doono.

Waxaa la yiraahdaa; in wax la hindiso ayaa ka fudud in wixii la asaasay ay hirgalaan amaba laga shaqaysiiyo, dhaxalkii aynu helnay ee Dawladnimo ma gaarsiisnayn meelihiii ay filayeen inta badan dadweynaha reer Puntland, waxaana la oran karaa guud ahaan himiladii iyo natiijooyinkii ismaynan waafaqin taasoo ahayd u gudbidda iyo hirgelinta nidaam siyaasadeed oo ku dhisan cadaalad, xornimo iyo isla xisaabtan.

Haddaba, Dawladda uu hoggaamiyo Dr.C/raxmaan Maxamed Faroole, waxay xilka la wareegtay wax un yar ka dib markii ay Puntland toban jirsatay, run ahaantiina waxay in badan dadku isku waafaqsanyihiin Saddex Sano kadib xilligii uu xafiiska yimid in ay Puntland ku talaabsatay Horumar dhinac walba ah ayna ugu horeeyaan isbadal Siyaasadeed, Dhaqaale, Maamul iyo waliba Dareenka Dawladnimo ha ahaato mid xafiiseed ama mid bulsho weynba.

Kadib markii loo dhaariyay Madaxwayne Faroole xilka 10kii January 2009, waxa uu gabi ahaanba is badal dhinac walba ah ku sameeyay Hay’adihii Dawladda, waxaa uu mgacaabay Rag dhalinyaro u badan laguna tilmaami karo badankooda shaqo aqooneed (Technocrat), in badan oo ka mid ahna waxay ku guulaysteen inay wax un ka badalaan habkii maamul ama siyaasadeed oo xafiiskaasi hawshiisa u gudan jiray.

Meelaha ugu horeeya oo lagu amaani karo xukuumadani waxaa ka mid ah, Maaraynta dhaqaalaha dalka, iyadoo ay ku guulaysatay afar jibaarista Miisaaniyada dalka, ladagaalanka sicir bararka iyo been abuursta shilinka soomaaliga ah, iyo waliba xadaynta isbadbadalka sarifka lacagaha qalaad ee uu ugu horeeyo Doolarku.

Waxaa kaloo xusid mudan, dadaalkii xukuumaddu u gashay sii wadidda arrima Shidaalka, iyo ka faa’iidaysiga Khayraadka dabiicigaa ee Puntland. Iyadoo is badal dhinac walba ah lagu sameeyay Heshiisayadii horay loola galay Shirkadaha Mataanaha ah ee African Oil and Range Resource. Maaalmaha inagu soo aadana Puntland nasiib u yeelan doonto ILAAHAY idankiis ceelkii ugu horeeyay oo shidaal ah oo abid ka hir gala Soomaaliya. Run ahaantiina lama ilaawi karo Dadaalkii xukuumadii uu Hogaaminayay Gen. Cadde Muse, oo lahayd hindisaha Mashaariicdaas,

Dhinaca xiriirka caalamka iyo Soomaliyaba waxaa la dhihi karaa Puntland heerka ay ka gaartay mudadaas kooban waa meel cid walba oo siyaasadda Soomaaliya danaysa ay xaqiiqsatay muhimadda iyo mas’uuliyadda gaar ahaaneed ee Puntland ay iska sartay xal u helidda dhibaatada ragaadisay Somaaliya iyo inay Puntland lafdhabar u tahay soo celinta xasiloonida iyo kala danbaynta Soomaaliya, tusaalena waxaa ku filan Doowrkii Puntland ka qaadatay waxa loo yaqaan Jidka Nabadda(Road-Map) oo isku badalay Mabaadi’dii Garowe I iyo II (Garowe Principles I and II).

Waxaa intaas oo dhan ka muhiimsan inay Puntland yeelatay dastuur gaar u ah 14 sano ka dib, iyadoo aynu wada ognahay in ay xukuumadihii ka horeeyay ay ku guul daraysteen ka gudbista Dastuurkii kumeel gaarka ahaa. Dastuurkanina wuxuu horseed u noqonayaa nidaam Dimoqraadiyad ku dhisan loogana gudbo qaabkii ay hore ee ku dhisnaa wax qaybsiga beeleeha.

Isbadalada ay Dawladani ku tallaabsatay oo halkaan lagu wada koobi karin ayaa waxay horseeday inay Bulshada reer Puntland meel walba ha joogeene u riyaaqaan dadaalka, horumarka iyo waxqabdka dawladani gaarstay iyadoo ay muuqato isbadalka dareenka iyo xiisaha Dawladnimo ee Bulshada reer Puntland ay ku cabirayaan suugaanta waddaninimada xanbaarsan oo waayahan danbe kusoo badatay masraxa siyaasadda dalka, taasina waa markhaati iyo qadarin waxqabadka xukuumada uu madaxda ka yahay Dr. Faroole.

Ugu danbayntii, iyada oo aan qirayo wax qabadkii horay u jiray, laakinse, Madaxwayne Dr.C/raxmaan Maxamed Faroole wuxuu ku gulaysatay in uu dhidibada u dhigo nidaam Dawladnimo oo suura galin kara, horseedna u noqon doona guud ahaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaana reer Puntland, barrina tixraac u noqnaya cid walba oo laga yaaabo inay madax ka noqoto Puntland.

W.Q: C/rashiid Maxamuud Diiriye

Puntland /Soomaaliya /Garoowe

Tell: +25290794299

Email: abdiraashid@gmail.com

You can leave a response, or trackback from your own site.
Qoraalkaan/Warkaan ka dhiibo fikikaaga :- Fadlan markaad fikradaada(Comments) qorayso xasuuso inaad dhowrto anshaxa iyo wanaaga, Qoraalkaagu ha ahaado mid u faa'iidaynaya akhristayaasha fikradooda isdhaafsanaya, Qabiilka iyo erayada anshax xumada ah way ka reeban yihiin in lagu qoro halkaan, Fikradaha(Comments) akhristayaashu halkaan isku dhaafsadaan waxay u gaar yihiin akhristashaasha iyagaa masuuliyadeeda leh. Ogsoonow Qoraalkii ku xadgudba anshaxa iyo masuulnimada masoo dabacayno

12 Responses to “Maqaal: Qaabeeyaha Dawladinimada Puntland”

  1. Samir nasri says:

    Tnx abdirashid mahamud diiriye waa maqal nasoo jiitay runtiina xambaarsan dhabtii qaabka dawladnimo ee aan gaarnay intuu talada noo hayey dr faroole iyo xukuumadiisi ani goon meesha kasaarayn kuwii kahoreeyay maasha alah ayaan leeyhy waa wax lagu farxo ku dayashana mudan marka aan ka sii socono kuwa doonaya gadaal unoqoshadana aan gacan bir ah oo aan qabiil lahyn aan ku qabano walhi meel saraan gaaraynaa . Teeda kale sidaan wada ognhy laguma soo koobi karo wax qabadka xukuumada maqaal inabadan ayaa dadan lkn waa xassuusin waan idn wada salamaya dhaman shacabka soomaliyed warbahinta puntlandi iyo akhristayaasha fahamka wacan sallaamulahi calaykum

  2. bashka xaaji says:

    Salaam guud dhamaan reer puntland iyo somaliweyn

    intaa kadib waxa aan aad usalaamayaa bahweynt puntlandi oo aad ugu mahadsan sida fudud ee ay noogu soo gudbiyaan wararka isdaba jooga ah ee dowlada puntland caam ahaana somaliya xaaldaha kala duwan

    waxa hubaal ah in hor umar badan lagaaray sandaii udambeeyey ee dowladan cabdiraxmaan faroole hogaaminayo ay jirtay taasoo taaba gelisay waxyaabihii bahweynta reer puntland ku taamaayeen gaar ahaan puntland caam ahaana somalia inteeda kale xag 1 siyaasadeed 2 xag istaraatiijid 3 xag dhaqaale 4 dib uheshiisiin 5 xaga qayraadka dalka oo la hirgeliyey ceelkii ugu horeeyey kaas oo loosoo maray dhibaatooyin badan shaqa badana ay ka soo qabatay dowladii cade muuse xirsi boqor dhamaystirkiina ay ku guuleysatay dowladan hada joota

    intaas oo dhan ayaa la oran karaa laakiin fari kama qodnee taas hala ogaado BUT WE ARE O THE RIGHT WAY insha allaah

    mahadsanidin

  3. Waamo says:

    Waxaan Kacodsanayaa Mudane madaxweyne Faroole in uu Marhadii uu Puntland ay Hormar Gaartay uu u soo jeesado Dadka Ku Abtirsada Puntland ee ku Nool Waamo uu u u sameeyo Dib u dajin iyo Siyasad ku xirta puntland Dadkaas oo ladulmay hadii aad taas ku gulaysatid wax u qabashada dadka kismaayo waxaan ku dhisaynaa Taalo vive puntland cadowgooda hajabaan amiin

  4. MR KHADAR XASSAN CALI says:

    Waxaan halklaan ka salaamayaa dhamaan bahda kharaa idka puntlandi oo aan ugu hambalyaynayo xilgudashada suxufinimo iyo tan wadaniyadeed waxaan kaloo u hambalyaynayaa dhamaan reer Puntland dawlada puntland iyo dhamaan shaqaalaheeda ilaa heer madaxwayne ilaa heer kastoo ay kalajoogaan wasaaradkasta shaqaalaheeda hay adaha dawligaa kuli shacabka sharafta leh ee puntland ciidamada dhamaan allpuntland waxan leeyahay alaha xafido guulaysta cadawgiin ha jabo.Hambalyo Puntland hambalyo Puntland jira oo jooga

  5. Nadar jirde says:

    Masha allah dowladan hawl ad ufarabadan ayay qabatay hanoqoto dhaqale ama amaan ama horumar waxayna ubaahantahay in shacabku lashaqeeyan oola iskudubnado hadaf kastaa wagareyna insha allah .madaxdii horana qaarkod hawshan hawl kasii mihiimsan ayay qabten ayaga nohorseday heerkan anmanta joogno iyo helitaanka puntland allaah ba mahadleh ilahow noxafid barwaaqadad nasiisay aaaamin

  6. jeenicad says:

    Hal arin. Uun bay shacabka qurba jooga reer punt, iswaydiiyaan. Kagaabinta
    Iyo xal uhelida xasiloonida. Gobolada sool. Iyo. Sanaag. Taas. Oo aad moodo
    Wax lamaarayn kari la yahay. Dabcan iyadana mudadaad korarsateen yaa laydiinka fadhiyaa. Hadaad gacan galinta gobaladaa. Dariiqaad. Doontaan umaroo. Xasilooni iyo kala danbayn kusoo celisaan doorashooyinkana hir galisaan. Waxaan umalay nayaa
    Another 5 years. Granting. Marka laga yimaado madax wayne faroole. Waxaan aamin sanahay hawlaha shacabku tabayo. Ganaaxii kale ee gudaha. Iyo dadka larabey xaaladahan ufara dhuudhuuban. Ee ladoo nayey inuu geerkasta kudayo iskuna dayo inuu waxka qabto. Waa kuxigeenkiisa. Waloow. Waajib saaran ay wadatahay. Wasalaamu. C w wabarakat

  7. Faroole wax waa qabtay waana wiil reer puntland oo indhihiisu ujeedaan hormarka puntland lana xisaabtama cadawga puntland viva puntland

  8. Midnimo puntland, says:

    Asc wrwb marka ugu horeysa waxan salan u diraya bahwaynta puntlandi.com oo si aan la so koobi karin nooga haqab tiray warkii dalka iyo halka ay maalin walba wax marayan waxan idin leeyahay halkas ka si wada dadaalkina waxaad wadanka u haysan shaqo aad u balaaran, markan uso daadego dhanka maqaalka waxan shaki ku jirin in madaxweynayaashi so maray puntland nin waliba wax qabtay dr.c/rixmana waxa u qabtay wax yalo an la so koobi karin, noolaada ayan idin leeyahay puntland aynu midowno.
    F.g (waxan puntlandi ka codsan lahaa in ay noo soo gudbiso maqaalo, warar, videoyo iyo sawiro ka sheekaynaya horumarka ay gaartay puntland).

  9. Ibraahim J says:

    MADAXWEYNE Faroole waxyaabo badan ayuu u qabtay reer Puntland, oo qoraha waa runtiisrnrnLaakiin arrintii ugu muhiimsaneyd ee qabtay maamulka Faroole, oo aan uu seegay Cabdirashiid waa lacagta iyo waqtiga ay dowladda gelisay heshiisiinta qabiilada deggan Puntland. Madaxweyn Faroole waa kii Qardho tegay, oo Rako tegay.

    Waxay kumanaan kun oo doolar geliyeen ciidanka kala dhex gala qabiilada iyo diyada ay kala qaataan qabiilada is dila,oo ay dowladda wax ka bixiso

  10. ahmed----------,-- says:

    waxaan shakki kujirin in dawladda abdirihmaan faroole inay qabatay waxyaabo muhiima, waxaan kaloo aaminsanahay in waqtigii ladoortay dawladdaan hadda jirta si’fiican loola shaqeen lahaa oo marxaladiihii adkaa oo aay soomartay aaysan caqbad ku’imaan lahayn in’maanta sida aay wax’uqabatay laba’jibaarkeed aay qaban lahayd,almuhiim dawladdaan hadda jirta way guulaysanaysaa ,waana guulaysandoontaa.waxaanse dadka reer puntlandku’guubaabin lahaa in dawladdooda la’shaqeeyaan oo dadka dhabar jabka ku’wada aaysan lasafan, waxa ilaahay abuurtay waxaa uugu wanaagsan nabadda in nabadda lagu fakaro waayo nabad baa lagu caana maalaa,,waana run..akhristow ogow waxaa lagayaabaa inaad is tiraahdo waa qolama laakin runtii garoowe waligay matagin oo gaalkacyo xagga waqooyiga wlligay madhaafin*******/laakin gartu rabi’bay taqaanaa dawladdaan hadda jirta waxii kahoreeyay inaan puntland la’aqoon oo dawladdaan abdirixmaan faroole iyo wasiiradiisa iyo ku’xigeenkiisa iyo ra’iisul baarlamaankaba waa dad sumcaddii iyo sharaftii puntland kor usooqaaday…….wabillaahi toowfiiq

  11. Asad says:

    Inshalaa waan xusun madaxdeenii dhamaan.dawladuna dadaalka hawado cashuurta bariga hala balaadhiyo .bangiyadana hala kordhiyo dhamaan gobolada.maamulkana haladaa dajo .xisbiyadana iyo dimuqraadiyada halailaa sho .iyo amaanka

  12. gabyaa says:

    asc mansha alaah.qof walba oo sura gal ah waa ogyahay haduu is dhaadhamayn,qofka fiicana waaba lacaayaa hadaan somali nahay marka ha u bixin dadalkaga sii wad

Leave a Reply