Wasaarada Duulista Hawada iyo garoomada Puntland oo faahfaahisay qaabkii u u dhacay Shilkii diyaarada ee Gaalkacyo.

Gaalkacyo(puntlandi.com):- Wasaarada duulista hawada iyo garoomada Puntland ayaa faahfaahin ka bixisay qaabkii uu u dhacay shilkii diyaarada ee shalay ka dhacay garoonka diyaaraaha Gaalkacyo ee C/laahi Yuusuf International Air-port.

Wasiirka duulista hawada iyo garoomada Puntland Cali Axmed Gamuute oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sharaxaad ka bixiyay qabkii uu shilkaasi diyaaradeed u dhacay, wuxuuna xaqijiyay in khalad ka yimid duuliyaha diyaaradu uu sababay shilkani.

Inkastoo uu wasiirku tilmaamay in uu wali socdo baaritaanka shilkani hadaba wuxuu ka dhawaajiyay in ay jiraan khaladaad muuqda oo sabab u noqday shilka diyaaradani.

“Shilku wuxuu ku yimid khalad ka yimid duuliyaha diyaarada, diyaaradu meeshii ay labada lugood ee danbe dhigan lahayd ayey afka hore dhigatay, Alle ayaa u sacaba goglaye taasi waxaa loo arki karaa khalad ka yimid Pilot-ka diyaarada ama farsamo ahaan u yimi isaguna uu xadidi waayay” ayuu yiri wasiirka duulista hawada iyo garoomada Puntland.

Dhanka kale qaar ka mid ah masuuliyiinta shirkadan duulimaadka Diyaarada ee JUBA AIR-WAYS ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in diyaaradu ay sababsatay khaladaad ka jiray garoonka gudihiisa islamarkaana duuliyaha diyaaradu uu dadaal badan ku bixiyay xadidaada diyaarada iyo badbaadinta shacaka diyaarada sarnaa taas islamarkaana uu wax badan xakameeyay ilaa diyaaradu ay dadkii oo bad qaba ka soo dageen.

Waa markii ugu horaysay ee ay shil caynkan ah diyaarad ku gasho garoonka duulimaadka diyaaradaha Gaalkacyo ee C/laahi Yuusuf International Air-port.

Puntland Office – Garowe
puntlandi.garowe@gmail.com
www.puntlandi.com

You can leave a response, or trackback from your own site.
Qoraalkaan/Warkaan ka dhiibo fikikaaga :- Fadlan markaad fikradaada(Comments) qorayso xasuuso inaad dhowrto anshaxa iyo wanaaga, Qoraalkaagu ha ahaado mid u faa'iidaynaya akhristayaasha fikradooda isdhaafsanaya, Qabiilka iyo erayada anshax xumada ah way ka reeban yihiin in lagu qoro halkaan, Fikradaha(Comments) akhristayaashu halkaan isku dhaafsadaan waxay u gaar yihiin akhristashaasha iyagaa masuuliyadeeda leh. Ogsoonow Qoraalkii ku xadgudba anshaxa iyo masuulnimada masoo dabacayno

One Response to “Wasaarada Duulista Hawada iyo garoomada Puntland oo faahfaahisay qaabkii u u dhacay Shilkii diyaarada ee Gaalkacyo.”

  1. run sheeg 1 says:

    waxaa loo bahan yahay in dowladu u dhiibto dad aqoon u leh dyaradaha iyo hawada waa celmi aqoon u bahai lakinn hadi ay dowladu u dhiibto dad aan aqoon u laheen sidaas ayaa wax u dhacayaan hada waxaan maqaal nagu ah ninka wasiirka ahi wax xirfad ah oo ku saabsan dulimaadka maleh oo waa macalin dugsiga hoose maxu ka garan garaa diyarad iyo hawo marka dowlad puntland waxaa loga bahan yahay in ay u dhiibto qof aqoon u leh hadii kale dadka reer puntland dhibaato in taas ka bada ayaa ku dhici doonta.

Leave a Reply