Boosaaso(puntlandi.com):- Agaasimaha Idaacadda Codka Nabada ee magaalada Boosaaso Cawke C/laahi Cali ayaa xoriyadiisii dib loogu soo ceshay kadib markii uu in muda ah ku xirnaa magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.
Wariye Cawke ayaa habeenimadii xalay ahayd dib xoriyadiisii u helay kadib markii laga soo daayay xabsiga Boosaaso oo uu mudo bil ka badan ku xirnaa.
Xariga wariye Cawke C/laahi Cali ee 4 Mar 2012 ayay dawladu u cuskatay arrimo la xiriira siidaynta codka xubin ka tirsan Kooxda Al-Shabaab oo ka waramayay ay ciidamada Puntland la galeen.
Dowlada Puntland waxay had iyo jeer ku boorisa Wariyaasha inay ka qayb qaataan kor u qaadista amaanka iyo wacyi galinta la xiriirta sugida Amaanka Puntland ayna iska ilaaliyaan waxyaabaha wax u dhimaya amaanka Qaranka.
Saxaafadaha Soomaalida qaarkood ayaa ku sifoobay inay si dadban u caawiyan qolyaha amaan xumada wada iyagoo faafiya borobogando iyo hadalo lagu taageerayo Argagixisada.
Puntland Office – Garowe
puntlandi.garowe@gmail.com
www.puntlandi.com
RSS Feed
Posted in 










