Kampala(puntlandi.com):- Magaalada Kampala ee caasimada Uganda aya tababar ku saabsan tirakoobka dadka wuxuu ugu soo dhamaaday Mas’uuliyiin ka socda Wasaaradaha qorshaynta ee Dawlada Faderaalka, Puntland iyo Soomaliland.
Tababarkan oo socday mudo 2 cisho ah ayaa waxaa qabatay hay’adda UNDP oo ka mid ah hay’adaha Caalamiga ah ee wadanka Soomaaliya ka hawlgala, waxaana aad loogu faaqiday muhiimada uu tirakoobka dadku leeyahay.
Maluumaadka ugu muhimsan ee tababarkan lagu soo qaatay waxaa ka mid ah Macduurnimada tirakoobka umada Soomaaliyeed iyo faa’idooyinka ka dhalan kara tirakoobka bulshada Soomaaliyeed.
Maxamed Cali Ismaaciil oo ka tirsan Wasaarada Qorshaynta iyo xiriirka Caalamiga ah ee dawlada Puntland oo warbaahinta kula hadlay isagoo jooga magaalada Kampala ayaa sheegay in ujeedada tababarkani uu yahay hirqalinta qorshe lagu tirakoobayo bulshada Soomaaliyeed ee ku kala nool Bartamaha iyo Koonfureed Soomaaliya, Puntland iyo Soomaaliland si loo helo tirada rasmiga ah ee gudaha dalka ku nool.
Xubnaha tababarkan ka qaybgalay ayaa la filayaa barnaamijyo wacyigalin ah in ay ka bilaabaan deegaanadoodii marka ay dib u soo noqdaan si bulshada Soomaaliyeed loogu dhiirigaliyo hirgalinta qorshaha tirakoobka dadka Soomaaliyeed.
Waa markii ugu horaysay ee uu soo ifbaxo qorshaha tirakoobka Umada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha dalka tan iyo burburkii dalka Soomaaliyeed.
Puntland Office – Garowe
puntlandi.garowe@gmail.com
www.puntlandi.com
RSS Feed
Posted in 










