Fanaanada Caanka ah Saado Cali oo si kulul uga xumaatay aflagaadada loo geystey Boqor Cabdullaahi Axmed

Saado

Fanaanada caanka ah Saado cali Warsame ayaa ka xumaatay canjarafaynta Boqor Cabdullahi Axmed iyo aflagadada loo gaystey boqorka, Saado cali waxay tiri waa in raali galin deg deg ah ay ka bixiyaan dadkii hadaladas kasoo yeereen, waxay kaloo ku baaqdey iney beesha Boqorku jawaab ka bixiyaan arintaan.

Saado Cali waxay dhalayceen dusha uga tuurtay Qolyaha soo qoray aflagaadada loo geystey Boqorka. hoos ka dhagayso waraysigii saado cali.

boqorka ayaa la aflagaadeeyey sababtoo ah wuxuu ka ayb galay Shirkii ansixint Dustuurka Puntland,

MOBILKA HALKAAN KAGA DHAGAYSO

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

 

You can leave a response, or trackback from your own site.
Qoraalkaan/Warkaan ka dhiibo fikikaaga :- Fadlan markaad fikradaada(Comments) qorayso xasuuso inaad dhowrto anshaxa iyo wanaaga, Qoraalkaagu ha ahaado mid u faa'iidaynaya akhristayaasha fikradooda isdhaafsanaya, Qabiilka iyo erayada anshax xumada ah way ka reeban yihiin in lagu qoro halkaan, Fikradaha(Comments) akhristayaashu halkaan isku dhaafsadaan waxay u gaar yihiin akhristashaasha iyagaa masuuliyadeeda leh. Ogsoonow Qoraalkii ku xadgudba anshaxa iyo masuulnimada masoo dabacayno

13 Responses to “Fanaanada Caanka ah Saado Cali oo si kulul uga xumaatay aflagaadada loo geystey Boqor Cabdullaahi Axmed”

  1. faysal says:

    saado waadhadashay lakin maahmaah baa waxay leedahay afwaakan may iliki aamee
    ” waad hadashay yaa ku muqlaya dhulbahante maanta hawiye ayuu kajecelyahay majerteen waanu ognahay taas

  2. caato says:

    WAXBA YAAN BEENBEN IYO DHALANTEED LA ISKUSASABIN DHULBAHANTE WAA DAD HARTIYA OO DAAROODA DHIBKA KU DHACANA
    WAA DHIBGAAREY HAYBWADAAGA KALE.WAXGARADKA DHULBAHANTANA WAA OGYAHAY DHALYO WADAAGODA IYO WAXTARKAY KAHELAAN.LAKIN KUWA ROOXAAMAHA AW UGU MAGAC DARAY WASIIRKA KALUMAYSIGA PUNTLAND ISAGOO JOGA CAYN YAAN LOOQADIN AMA LOO ARAG INAY DHULBAHANT MATALAN

  3. caato says:

    Saado waa qof qaaliya waxgaradna aha waxay ka hadlaysana waa sax dadka qora jooralada qaarkood qalad bay ka fahmeen qaab ka loo qoro saxaafada looqoro.waana gafweeyn in la afgaadhey madax dhaqameedyada reer puntlandhi iyo kuwa dadka kaloo somaliyeedba.waa ceeb waa dhaqan xumo.anigu nabadoon baan ahay qisadaan oo kale yaa iga soomartay reerka dad matalaya markii kalshale dagaladu ka socdeen baan arkay niman reerkaa oo leh dhaawac baan daryeelaynaa oo noo yaal dhiig baan iska baarbaray waxaan jeebkayga ka keenayn1500 oo dular.subixii labaad ehelkan udhiibey lacgta waxay caayayeen majeerten oo idil waxaan isiri nimanku gacal cunbay majeerten ucaayayan oo dheg umajalaqsin.hadana maalinsadexadii baan arkay ragiiyoo aniga icaayin meel maqaxiya oo fadhi kudiriradaa waxaan ku iri mamatashan dhulbahante tuug jiriyana tihiin marbaana qaldamay mar labaad baanan qaldami doonin.

  4. mr caagane says:

    war saado waa gaabar qaran oo soomaliyeed ma aha qabiil.runtii waan jecelaaa inaaa loo dhisay taalo qaraan
    dhan walba haaha haatow

  5. fanaanadeeena caanka ah eee soomaliyeed saado cali warsame waa hormuuudka gobonimada somaliyeed ….. waaa shakhsiga kaliya eee ku dhiiraday inuuu garab istaaaga cid walba oo somaliyeed oo dulman saado cali warsame waa gabadheenii waana taageersanahay …. magacaa ha jiro

  6. Barawani King says:

    NUURA:

    Ina abti macaaneey: Hadalka sidaa kadaa oo ha durin Boqorka ileey reer baa boqoraday.

    Boqorka waxaan u aqaan, se gaar ah, waagee, uu ahaa TABABARAHA ISKOOL BOLIISIYA. Waxuu ahaa nin wacan oo macaan oo dadka aruuriya.

    Aniga abtinimo lee u sheegtay, se abtinimona wa ii dhaqaaleeyey, abaalkiisana waan u hayaa.

    Marka NUURAAY, ina abti, ka daa, BOQORKA reer dhan ee HAYAAG uu boqor u yaheee

    WA BILAAHI TAWFIIQ

    BARAWANI KING

  7. Hersi says:

    saado waa wax garad …intaa eey garatey in eey garan waayaan bulashada kale ee walaalaha kalr waa ayaan daro….issimka waa dhaqan xushmd mudan ..qoladii laah ka qaadahayo karaamadana waxeey karaamada ka qaaddaa duubabkooda eey doorteen…taana waa ayaan daro ilaah bulshada garashada ha usoo cesho dadku waa eey ku kala duwanaan karaan aragtida laakiin akhlaaqiyaadka waa in la dhowraa iyo dhaqanka suuban.

  8. Gaala Eri says:

    Caqliga iyo garashada ilaah ayaa bixiya, waxaan kawadaa Saado waligeed sidaa ayey aheyd, dulmoga iyo xumaantana waa ay diidi jirtay, noolow dambigaagana alaha dhaafo, waxaa intaa ii dheer isimada ama salaadiinta DAAROOD kii wanaaga iyo danta dadkiisa ka shaqeeya ayaan ogolnahay kii cadow u shaqeeyana yeelimayno, danta daaroodna waa raadinta soomaalinimo, ilaa anagaa masuuliyadu nasaarnayd waligayo alah ayaana dadnimadaas nasiiyey, saado iyo anigaba iyo reer puntland, jubaland, ogaden ilaa iyo siyoolow soo maha tafiirtii DARAAWIISHTA, waxaan kusoo gaba gabaynayaa hadaa maqashay ama aragtay soomaali waa laqaybsaday, waa been waa DAAROOD dadka gumeysagii kala qaybieyey ADEERKEEN Prof. cali khalif galeydh muxuu kayeelay arintaas; waxaan jawaabta u daynayaa walaalaha kale.

  9. caraseedo says:

    ACWW:Waxaan filayaa haddii ay wax garanayaan oo yaqaaniin qiimaha uu xambaarsan yahay,qofka masuulka ah oo Ilaahay doortay ummadduna ay dooratay in aan lagu gafin,laguna deg degin ,karaamadiisa aan wax loo dhimin,maxaa yeelay haybadda uu xambaarsan yahay waa mid xag Alle ka timid ee yaan la quursan,lana aflagaadayn,haddii kale dharbaaxooyinkii Alle waa in la sugaa,haddaan si deg deg ah looga bixin raaligalin,oo berina mid kale baa saas loo galin oo loo xumay!!!!!!!!!.

    Haddaan nahay soomaali kama fakarno waxa imaandoona ee waxaan wax ku qaybsanaa markaas waxa na horyaal,waxayna ila tahay waxaa fiican in laga fakaro waxaa imaan doona,ee maaha in aan noqono indha ku garaadle,ee waa in la noqdaa caqli ku garaadle.

    Midda kale miyiinaan ogayn ruuxa isimka ah in uu ka sareeyo madaxweynaha,sababtoo ah madaxweynuhu wuu dhaacaa balse ruuxa ah isimku waxuu u taagan yahay soomaali oo dhan,in uu amar siin karo,oo isimka jooga gees ilaa geeska kale ee soomaaliya waa isku karaamo mana mudna in la xumeeyo oo waxuu mudan yahay tixgalin iyo darajayn ee maaha in dhulka lagu jiido.

  10. Qaran doon says:

    Waxaan u fahmay saado inay ka xuntahay ceebbta iyo kala daadsanaanta haysata dhulbahante inay ka xuntahay oo ay leedahay war meel isku raaca oo waliba boqorka raaca, waxaan u sheegi lahaa saado cali, waxaad tahay gabar dadnimo iyo caqli ku dhammaystirmay laakiin dadka ilaahay kaa dhalaiyey ee dhulbahante qaas ahaan ragga dhul bahante waxay caado ka dhigteen dhuuni qaate nimo iyo qadiyad xumo aan xishood lahayn, waana midaas tan calool xumada ku haysa adiga iyo anigaba, boqorka aad hadda u dagaalamayso amaad aragtaa isgoo barri dhinaca kale taagan oo ka guuray meeshaad ku ogayd. Tolkeen sidaas ayuu noqday. saadooy ceeb allaw astur

  11. nuura says:

    Saado Cali waxay ka mitahay Fanaaniinta aan Heesohoda Jeclahay Feker ahaan waxaan ka qabaa in ay tahay qof Hadal cad micnaha meel loogu hagaago leh.
    Xaalada Boqorka waxaba kama Fahansani oo Siciid Harti waxaanu ku Ogaa Dhowar Garaad oo Midaba goni u socdoh oo kala Feker Duwan hadii ay Boqor Yeesheen waa Amuur cusub oo Soo Koroortay Micnaha waa Xaalad Culayskeeda leh.
    Isimadu waa martabada ugu Sareysa ee Dhinac walba Balase Qaarba Shaqo bay leyihiin Xogta hoose hadaan iftiimoyo waxa lagu naanaysaa [kharaab iyo Salaaam]mid wanaag u sita Usha iyo Cimamada iyo Mid kharibaada u sitah.
    Xeer Hoosaatka bay ka Mitahay oo waa loo Carbiyaa xataa Al kharaab Shaqadiisa waa Udabaha Saldanada mid ka mid ah.
    Dulucda Qoraalkaygu waa Boqorka Siciid Harti Nanaystiisu Saalaam mase kharaab?

  12. saleban jama says:

    Saado Cali Warsame waa qof nool maskax rageed baa ku jirta mar hadeey garatay wixii rag badan garan waayeen ,nooloow ina adeer dadkan habawsana wax u sheeg.

  13. Puntboy says:

    Saado waa qof wadani ah,

    Garasho dheerna u leh dhaqanka bulshada Soomaaliyeed.

    Waa qof garasho dheer, garanna kara waxa soo socda. Ceebta ay leedahay meelka

    Wabillaahi tawfiiq, dhaca isimada oo ah ulul-amriga.

    Waxaana jeclaan lahaa ciddii waxaas ku soo qortay webpageska inay raaligalin ka baxshaan.

Leave a Reply