Dawlada hoose ee Garowe oo wada qorshayaal ku salaysan horumarinta magaalada iyo furida wadooyinka.

Garowe(puntlandi.com):- Iyadoo xilliyadan dambe uu magaalada Garowe ka socday Olole ay dawlada hoose ku dardargalinayso Nadaafada, bilicda magaalada, furidda wadooyinka xaafadaha magaalada isaga kala goosha iyo horumarinta guud ee caasimada ayaa maanta la baneeyay goobo hor leh oo ka tirsan xerada Inji ee bartamaha magaalada.

Ciidamada dawlada hoose ee degmada Garowe oo ay oo kaabayaan kuwa booliska ayaa maanta hawlgalo baaxad leh ka bilaabay xerada Inji oo ay ka burburiyeen dhismayaal farabadan oo ay ku jireen cooshado iyo sandaqado ganacsiga yaryar ah, waxayna dawladu maanta ku guulaystay in ay furto masaafo aad u balaaran.

Qorsha dawlada ee xeradan ayaa waxaa ka mid ah in ay ka hirgaliso suuq weyn oo bacadlaha magaalada ah, iyadoo horayna ay uga dhistay suuqyada caanaha, Hilibka, Qudaarta, Kaluunka iyo Bagaashka kala duwan.

Xaruntani waxaa sidoo kale xafiisyo ku leh shirkada Korontada ee magaalada Garowe.

Hawlgalkani maanta ayaa qayb ka ah qorshayaal horumarineed oo la xiriira Nadaafada, bilicda magaalada, furidda wadooyinka xaafadaha magaalada Garowe ee caasimada Puntland.

Puntland Office – Garowe
puntlandi.garowe@gmail.com
www.puntlandi.com

You can leave a response, or trackback from your own site.
Qoraalkaan/Warkaan ka dhiibo fikikaaga :- Fadlan markaad fikradaada(Comments) qorayso xasuuso inaad dhowrto anshaxa iyo wanaaga, Qoraalkaagu ha ahaado mid u faa'iidaynaya akhristayaasha fikradooda isdhaafsanaya, Qabiilka iyo erayada anshax xumada ah way ka reeban yihiin in lagu qoro halkaan, Fikradaha(Comments) akhristayaashu halkaan isku dhaafsadaan waxay u gaar yihiin akhristashaasha iyagaa masuuliyadeeda leh. Ogsoonow Qoraalkii ku xadgudba anshaxa iyo masuulnimada masoo dabacayno

3 Responses to “Dawlada hoose ee Garowe oo wada qorshayaal ku salaysan horumarinta magaalada iyo furida wadooyinka.”

  1. saleban jama says:

    Magaalo waxaa qurxiya LAAMI ,Dawladu culees ha saarto sidii laamiyo loo marin lahaa wadooyinka ,khaasatan meelaha ay ciidamadu dabaaldega(gaardiska) ku maraan….waana garan karnaa in dhaqaalo loo baahan yahay sidii loo fulin lahaa arintaa ,waana doorkii tujaarta reer puntland ….Viva Puntland

  2. Asad says:

    Dawlada hoose eegaroowe waa inay dhir badan beertaa lamina kadhigtaa wadooyinka hanbalyo.caasimada qurxisaa

  3. Axmed Xiirey says:

    Maxaa dawlada hoose wax uga qabanweyday Suuqa Majo-goroyo oo ah Suuqa Labaad oo isna Bartamaha magaalada soo galay, waxaana moodaa in Dawlada Hoose iyo Dawladuba xooga saareen Suuqa Enji, Magaaladu way korortay oo wey kala fogaatay Suuqa Majo-Goroyo waa suuq Labaad ee magaalada Dhulkiisiina Waa la boobay, , hadaba Dawlada hoose waa iney soo ceshataa Dhulka Suuqa laga boobay oo sida Sharcidarada ah loo gatay, Suuqaasu waa muhin, Malaha Kawaan, Suuq Kaluun, Suuqa Caanaha iyo waxyaalaha kale oo Suuq u baahanyahay.

Leave a Reply