Gaalkacyo(puntlandi.com):- Galinkii dambe ee shalay waxaa Garoonka kubada cagta ee magaalada Gaalkacyo ku wada Cayaaray Kooxaha R.P.S iyo TELECOM oo ka mid ah kooxaha heerka 1aad ee kubada cagta gobolka Mudug.
Ciyaartan oo ahayd mid aad u kulul ayaa labada kooxood waxay muujiyeen Ciyaar wanaag iyo dadaal dheeraad ah waxaanse suurtagalin fursado badan oo labada kooxoodba ay Goolal ku dhalin lahaayeen.(Sawirada hoos ka daawo)
Ciyaartan oo ahayd Ciyaartii koowaad ee Semi-finalka Koobkan HABAS ayaa labadii qayboodba waxay ku soo dhamaatay 0-0 waxaayna labada kooxood ku kala hareen Riigoore.
Guddoomiyaha Ciyaaraha ee gobolka Mudug C/hodan Dayax Leef ayaa warbaahinta puntlandi u xaqiijiyay in Ciyaartani ay qaybta riigoorada ku badisay Kooxda R.P.S ee ka mid ah Kooxihii Semi-finalka u soo baxay.
Ciyaartan waxaa u soo daawasho tagay dadweyne aad u farabadan oo aad ula soo socday ciyaarihii kala duwanaa ee Kooxkan ee lagu qabtay Garoonka Cawaale ee gobolka Mudug.
Ciyaarta labaad ee Semi-finalka ayaa galabta waxaa wada ciyaaraya Kooxaha kubada cagta ee HOMBOBARO iyo FALUUJA waxaana la filayaa in ay u soo daawasho tagaan Dadweyne aad u farabadan oo kala taageersan labadan kooxood.
Kooxda galabta CViyaartan ku soo baxda waxay Ciyaarta Finalka isku arki doonaan Kooxda R.P.S oo Ciyaartii shalay ku soo baxday.
www.puntlandi.com.
Daawo Sawirrada Ciyaartii Shalay iyo qaybo ka mid ah Ciyaarihii hore:-

RSS Feed
Posted in 











war wiilasha garoonka ha loohabeeyo oo dhagaxa ha laga guro say usiiwatan mustaqalka cayaaraha