Gaalkacyo(Pi) Shikii Gaalkacyo ee maanta lasoo gabagabeeyey waxaa looga hadlay dhamaystirka Qodobadii lagusoo heshiiyey shirkii Garowe, Wasiirka Qoyska iyo Haweenka ee Dowlada Puntland Marwo Caasho Geele iyo Afhayeenka Dowlada KMG Ing. Cabdiraxmaan Yariisow ayaa ka warbinaya qodobada shirka ee dhagaysoa
Hoos ka dhagayso Caasho Gelle
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.
Hoos ka Dhagayso Ing. Yariisow
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.
Warmurtiyeed
Galkacayo 26 March,2012
Shirkii wadatashagiga saxiixayaasha somaliyeed ee Barnaamijka dhameystirka xiliga kala guurka ah ayaa maanta oo bishu tahay 26 March,2012 lagu qabtey magaalada Galkacayo.
Shirka waxaa marti galiyey dowlada Puntland waxaana fududeeyey xafiiska ergeyga gaarka ah ee qaramada midoobey u qaabislan Somalia.
Shirka waxaa ka soo qayb galey saxiixayaashii geedi socodka barnaamijka dhameystirka xiliga kala guurka ah oo ay kamid yihiin mudane sheekh Shariif Sheekh Axmad Madaxweynaha dowlada federaalka KMG ah ee Somalia, mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan Gudoomiyaha Barlamanka Federaalka KMG ah, mudane Cabdiweli Maxamad Cali Ra’isal wasaaraha xukumada dowlada Federaalka ah KMG ah, Mudane Cabdiraxman Sheekh Maxamad Maxamud “Farole” Madaxweynaha Puntland, Mudane Cabdisamad Cali Shire Madaxweynaha ku-xigeenka Puntland, Mudane Cabdisamad Nuur Guuleed Madaxweyne ku-xgeenka ahna ku-simaha Madaxweynaha Galmudug, Sheekh Maxamad Maxamud Yusuf “Libaax” oo matalaya Ahlu-Sunaha Waljamaca iyo danjire Augistin Mahiga ergeyga gaarka ah ee qaramada midoobey u qaabislan arimaha Somalia.
Iyadoo laga ambaqaadayo xaalada siyaasadeed ee Somalia iyo baahida loo qabo in si deg-deg ah loo dhaqangaliyo barnamaijka dhameystirka ee xiliga kala guurka ah “Roadmap-ka” iyo mabaadiida lagu heshiiyey Garowe1 Garowe 2, waxaa hogaamiye-yaashii shirka kasoo qayb galey ka doodeen qaab loo fulin lahaa heshiisyadaasi waxeyna isku raaceen qodobada hoos ku xusan:
1- In la dardar galiyo dhameystirka barnaamijka xiliga kala guurka ah, heshiiyadii geedi socodka iyo mabaa’diida Garowe 1 iyo Garowe 2.
2- In la dedajiyo xulushada xubnaha kamid noqonaya golaha ansaxinta Dastuurka oo shuruudahoodu ku cad yihiin go’aamada Garowe1 iyo Garowe 2 waxaana la isla gartey in loo soo xulayo xubnaha shirweynaha la yareeyo si ay ugu sahlanaato wax qaybsiga 4.5 ee lagu heshiiyey.
3- Tirada golaha ansaxinta Dastuurka oo lagu go’aamiyey Garowe2 oo aheyd 100 qof waxaa la isla gartey in laga dhigo 825 oo lagu qaybinayo habka 4.5-ka oo loo arkey wax qaybsi raad-raac hore leh.
4- Waxaa la isku raacay in madax dhaqameedyada Somaliyeed ay noqdaan dadka soo xulaya xubnaha golaha ansaxinta Dastuurka iyagoo kaashanaya qaybaha kala duwan ee bulshada sida Culima’udiinka, Aqoonyanahada, Dhalinyarada, Haweenka, Ganacsatada iyo qaybaha kale ee bulshada.
5- Waxaa la isla gartey 135 xubnood oo ka imaanaya madex dhaqameedka afar beelood oo min 30 xubnood ah iyo beesha 5aad oo 15 xubnood ah iyagoo la tashanaya beelahooda waxay soo xuli doonan xubnaha golaha ansaxinta Dastuurka iyo xubnaha Barlamanka cusub iyagoo ay gacan siinayaan guddi farsamo oo ka kooban 17 xubnood oo lix xubnood ka imaanayaan hay’adaha dowlada Federaalka Somaliyeed, 3 Xubnood Puntland, 3 Xubnood Galmudug, 3 xubnood Ahlu Sunah, 6 Xubnood oo Federaal ah iyo 2 xubnood oo ah xafiiska siyaasada qaramada midoobey ee Somalia UNPOS Iyo 6 Xubnood oo ka socda beesha caalamka oo goobjoogayaal ah, wixii caqabad noqda waxaa loola soo noqonayaa saxiixayaasha Raodmap-ka iyo mabaa’diida Garowe1 iyo Garowe 2.
6- Waxaa lagu heshiiyey in shirka ugu horeeya ee madaxdhaqameedyada soo xulaya ergada ansaxinta Dastuurka ay kulankooda ugu horeeya ku yeeshaan magaalada Muqdisho 25 April 2012.
7- Waxaa la isku raacey in masuu’liyada iyo dhameystirka barnaamijka xilaga kala guurka ah iyo mabaadiida Garowe1 iyo Garowe 2 ay si gaar ah u saaran tahay saxiixayaasha barnaamijka “Roadmap-ka” oo ah cida loola noqonayo wixii caqabad ah.
8- waxaa la isku raacey fududeynta iyo taageerada maaliyadeed ee barnaamijka dhameystirka xiliga KMG ah in si deg-deg ah looga sugayo beesha caalamka.
9- Wixii aan halkaan ku cadeyn waxaa loola noqanayaa “Road-map-ka” iyo mabaadiida Garowe1 iyo Garowe 2.
Qodobadan waxaa saxiixay dhamaan xubnihii dhinacyada kala duwan ka kala socday ee ka soo qaybagalay shirka RAOD-MAP-ka ee Gaalkacyo ka dhacay.
www.puntlandi.com
RSS Feed
Posted in 











waxay ahayd i iga umaqanayd in warkaan oodhan u akhriyo eng yariisow waayo isaga afhayeen dowdlada dhexe ah
kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk