Garowe(Pi) Xulka kubada cagta ee Gobolka Nugal ayaa maanta (12.02.2012) ku guulaysatay koobkii kubada cagta ee Gobolada Puntland, ka dib markii ay finalka ka badiyeen Kooxda Gobolka Karkaar, Ciyaarta ayaa 90 kii daqiiqo ku dhamaatay 2-2 , aakhirkii ciyaarta waxaa lagu kala baxay riigoore riigoore.
Sawirada hoos ka daawo
Gobolka Nugaal ayaa si xarogo leh ugu guulaystay koobkii sanadkaan 2012 ee Ciyaaraha Gobolada Puntland,Waana markii ugu horaysey ee Nugaal ku guulaysato koobkaan.
Taageerayaasha Kooxda kubada Cagta ee Gobolka Nugaal ayaa maanta Damaashaad ku qabsaday Garoonka kubada Cagta ee Mire Awaare.
Sawirada Xuquuqdooda waxaa leh Garoweonline.com

puntland sports guul iyo gobanimo
Waxaan leeyahay guul reer Nugaal, waana guul reer Puntland
Hambalyo iyo bogaadin
woooooooooooooow hanbalyo nugaal viva