Maqaal:CODKAYGA KA HORMARI AMNIGAAGA…….


Hadaladaan waxay ahaayeen kuwii ay maal mihii u dambeeyay indheer garadka iyo aqoon yahanada Soomaliyeed ay hawada u marinayeen dadka Soomaliyeed ee la daalaa dhacaya dhibaatada.Hadaba hadaladaan intooda badan kama tarjumayn dadka iyo dalka Soomaliyeed mar xalada ay maanta ku sugan yihiin laakiin waxay ahayd dan gaara oo ka tar jumaysa shaqsiyaadka war baahinta marinayay.

Anagoo ee gayna dad ka Soomaliyeed ee kunool gudaha iyo dibada waxaan hubnaa in ay Jiraan dad fara badan oo Soomaliyeed oo kunool wadamo kale, qaar kamida waa qaxooti halka kuwa kale ay yihiin ganac sato iyo arday wax kabarata wadamadaas, dhamaantood waxaa halkaas geeyay waa amini darada ka jirta dhul koodii hooyo.

Hadaba mar xalada maanta lagu jiro ma u saamaxaysaa kan dalka jooga iyo kan dibada jooga in ay cod kooda dhiibtaan anagoo fiirinayna amni darada, caafimaad xumada, hoy laanta,dhaqaale xumida iyo maciishad yarida haysata,tasoo kaliftay in caalamku ka naxo una gurmado musiibada ka taagan Soomaliya gudaheeda.

Masiibadu ma noqon mid kaliya oo ku kooban shacab Soomaliyeed laakiin waxaa caqabo noqday Baarlamaankii Somaliyeed ee la ga sugayay in uu u gogol xaaro umada soomaliyeed hurumar la taaban karo kaasoo ku koobnaaday oo kaliya RIDE….

Waxaa is waydiinleh durbaanka ay wataan ururadaan oo aan ka tarjumayn marxalada maanta dalku marayo in ay iswaydiiyaan mar ka hore.

Meelaha lagu codaynayo xagee noqonayaan? Qofka codaynaya imisa jir ayuu noqonayaa? Yaa amaankiisa sugaya codeeyaha? Qaabkee codeeyahu u codaynayaa?

Majiraan maxkamado kala saari kara ama xeer lagu kala saari karo waxii murin ah oo soo dhex gala codaynta? Yay noqonayan goobjooyaasha meelaha codayntu? Mahaysanaa qalab casri ah iyo dhaaqale saamaxaya in kan xeryaha qoxootiga kujira iyo kan wadanka jooga in ay cod kooda wada dhiibtaan? Yaa qaadaya masuuliyada hadii codeeyaha oo aan haysan amni la isku qarxiyo ama miino loo dhiigo halkaasna uu ku waayo naftiisa?

Dhanka dawlada Soomaliya waxaa fiican in aan iswaydiino waqtiga gaaban oo ay haysato iyo kumeel gaarka lagu timbareeyay in ay fulinkarto arimaha horyaal, haday noqoto dhaqaale, siyaasad, amni iyo shari dajin.

Ugudambayn, madaama aan la saadalin karin intuu qaadanayo dagaalka dawladu kujirto, hadana way adagtahay in aan aragno dad codaynaya oo dhamaantood loo dhigay miino ama in laysku qarxiyo codbixiyeenada jooga meelaha codaynta, taasoo keeni lahayd in ay joojiso qof cod bixiya kuna reebta dadka iyo dalka Soomaliyeed taariikh mugdi ah.

Taasoo hubaal ah in aan dib markaas ugu noqono 4.5 in waqti ah,maadama aysan jirin waaxyo sharci ah oo kala saari kara umada iyo amaan guud oo liida waxaan qabaa go aanka ay qaateen madaxda Soomaliyeed in uu ka tarjumayay marxalada dalku marayo maanta.

Written by: Abdirahman Cukur

Political scientist, Forensic science department Criminology, PI, Power Eng, and IT Specialist.

Both comments and pings are currently closed.
Qoraalkaan/Warkaan ka dhiibo fikikaaga :- Fadlan markaad fikradaada(Comments) qorayso xasuuso inaad dhowrto anshaxa iyo wanaaga, Qoraalkaagu ha ahaado mid u faa'iidaynaya akhristayaasha fikradooda isdhaafsanaya, Qabiilka iyo erayada anshax xumada ah way ka reeban yihiin in lagu qoro halkaan, Fikradaha(Comments) akhristayaashu halkaan isku dhaafsadaan waxay u gaar yihiin akhristashaasha iyagaa masuuliyadeeda leh. Ogsoonow Qoraalkii ku xadgudba anshaxa iyo masuulnimada masoo dabacayno

Comments are closed.