Ottawa-Canada(Pi) Waxaa magaalada Ottawa ee dalka Kanada dhawaan lagu qabtay tartan ciyaareed kubada cagta ah, oo ay ka soo qayb galeen kooxo ka dhisan magaalada Ottawa.Tartan ciyaareedkaan ayaa waxaa lagu taageerayay Iskuul laga dhisayo magaalada Bursaalax ee gobalka Mudug.(Sawirada hoos ka daawo)
Dhisida iskuulkaas ayaa waxaa iska kaashanaya jaaliyada Somalida ee Ottawa iyo bulshada ku dhaqan Bursaalax oo u baahan Iskuul waxbarsho.
Hoos waxaad ka arki kartaa sawirada xafladii tartanka oo kooxda ku ciyaaraysay magaca Amalexpress lagu godoonsiiyay koob ka dib markii ay u soo baxeen wareegii ugu dambeeyay ama final-ka, guushuse ku raacday koox kale.
Abdirisaaq Jama oo ah maamulaha Amal Express ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in kooxdiisu ay sannadka dambe ku guulaysan doonto tartankaan.
Waxaa magaalada Ottawa ee dalka Kanada dhawaan lagu qabtay tartan ciyaareed kubada cagta ah, oo ay ka soo qayb galeen kooxo ka dhisan magaalada Ottawa.Tartan ciyaareedkaan ayaa waxaa lagu taageerayay Iskuul laga dhisayo magaalada Bursaalax ee gobalka Mudug.
Hoos waxaad ka arki kartaa sawirada xafladii tartanka oo kooxda ku ciyaaraysay magaca Amalexpress lagu godoonsiiyay koob ka dib markii ay u soo baxeen wareegii ugu dambeeyay ama final-ka, guushuse ku raacday koox kale.
Abdirisaaq Jama oo ah maamulaha Amal Express ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in kooxdiisu ay sannadka dambe ku guulaysan doonto tartankaan.
RSS Feed

Posted in 