|

Golaha Iskaashiga maamul goboledyada oo Qadka Telfoonka kaga dooda xaalada siyaasadeed ee K/G Soomaaliya

Madaxweynaha Puntland C/wali Cali Gaas , Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf iyo Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa maanta ku wada xiriiray Qadka telfoonka, iyagona ka arinsaday weerarka qaawan ee ay ku soo qaaday dowladda Soomaaliya mamaul goboleedyada dalka, iyadoo adeegsanaysa awood dhaqaale kuna tagri falaysa canshurtii shacabka laga soo uruuriyay.

 

Madaxweyne yaasha ayaa lafilayaa in ay soo saaraan war qoraal ah oo ay kaga hadlayaan faragalinta siyaasadeed ee dowladda Soomalaiya iyo burburinta dowladaha xubnaha ka ah dowladda Soomaaliya .

 

Golaha ayaa sidookale waxa ay ka hadli doonaan iscasilaadii Shariifka iyo Afhayeenkii Golaha Iskaashiga dowladd goboleedyada oo shalay isna iscasilay xubno muhiim ahna ka ahaa golahan.

lama oga halka uu xalku ku dambayn doono .

Lasoco wixii ku so kordha warkan.

You must be logged in to post a comment Login