|

Breaaking News- Doorashadii Koonfur Galbeed oo dib loo dhigay laguna eedeeyey dib u dhigeeda Villa Soomaaliya



Warar Rasmi ah oo soo gaaray Warbaahinta Puntlandi.com ayaa sheegay in Doorashadii Maamulka Koonfur Galbeed dib loo dhigay.

Madaxweyne Shariif Xasan Sh. Aaden ayaa beri oo Talaado ah wuxuu qabanayaa shir Jaraa’id oo uu dib ugu dhigayo Doorashada.

Xukuumada Federaalka ayaa lagu eedeynayaa iney khalkhal galisay Doorashada tasoo natiojadii noqotay in Gudigii Doorashada ay iscasilaan.

Wararka Puntlandi helayaan waxay sheegayaan in Gudiga Doorashada ee is casilay ay sheegeen in Villa Soomaaliya looga hanjabay isla markaasna Xiædhibaanadii Maamulka Muqdisho afduub loogu heysto.

Wixii soo kordha kala soco Puntlandi.com

You must be logged in to post a comment Login