Ergayga Qaramada Midoobey u Qaabilsan Soomaaliya oo Hargeysa kula kulmey Masuuliyiinta Soomaaliland
Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey uu u soo dirsadey Arimaha Soomaaliya Mudane Nicholas Haysom ayaa maanta wuxuu Hareysa kula kulmey Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Mudane Muuse Biixi.
Masuuliyiinta oo ah markii ugu horaysay ee ay kulmaan ayaa waxay kawada hadleen Xaalada guud ee Gobolka, Xiriirka Hargeysa iyo Villa Soomaliya iyo Dhanka Amaanka.
Ergeyga Gaarka ah ee QM Nicholas Haysom ee dhowaan loosoo magacaabay shaqadaan kadib markii wakhtigu ka dhamaadey ni kii isaga ka horeeyey ayas todobaadkaan wuxuu booqasho isbarasho ah ku Marayay Maamulada Soomaliya Wuxuuna horey usoo booqdey Muqdisho, Baydhabo, Kismaayo iyo Garowe.
Safarkiisa maanta ee Hargeysana wuxuu diirada ku saaray Xaalada amaan ee Maamulka Soomaaliland iyo sidii looga wada shaqayn lahaa in Colaadah Gobolka Sool lagu dhameeyo Wadahadal.


