|

(SAWIRRO) Hotelkii Degel oo laga furay magaalada Garowe.

Garowe (Puntlandi) 28 sano kadib, ayaa lagu guulaystay in dib loo dhiso hotelkii caanka ahaa ee Degel, kaasoo laga hirgaliyay magaalada Garowe ee caaasimadda Puntland, balse berisamaadkii kuyiilay magaalada Muqdisho kana mid ahaa hoteladii caanka ahaa ee burburkii dowladdii dhexe aan ka dambayn.

Hotelkaan, waxaa hirgaliyay ganacsade lagu magacaabo Xaaji Yusuf Jaamac Degel (Cambe Cambe), waxaana loo sameeyay xaflad xarriga looga jarayay, oo ay kasoo qeyb galeen marti sharaf badan oo ka kala socotay qeybaha kala duwan ee bulshada.

Nabadoon Khaliif Aw-Cali ayaa sheegay in dib lasoo celiyo Hotelkii Degel lagana furo Garowe in ay tahay fursad wanaagsan oo macno badan usameynaysa dadka reer Puntland. Waxaa uu sheegay inuu hotelkaan uu qeyb weyn ka qaadanayo bilicda caasimadda Puntland.

Duqii hore ee degmada Garowe, Xasan Maxamed Ciise (Goodir), ayaa sheegay hotel Degel inuu ahaan jiray hotel magac weyn leh oo ay ummadda Soomaaliyeed ku yaqiinayn ammaano iyo addeeg hufan, wuxuuna sheegay hotelkaan inuu ka rajeynayo inuu lamid ahaado midkii hore.

Xidlhibaan Cabdi Daahir oo kamid ah barlamaanka dowladda Puntland ayaa si rasmi ah xarriga uga jaray hotelkaan, wuxuuna u mahad celiyay ganacsatada hirgaliyay hotelkaan, waxaa sidoo kale uu bulshada ugu baaqay inay kusoo hirtaan oo ay camiraan.

DAAWO SAWIRRADA.

Puntlandi.com

You must be logged in to post a comment Login