|

Beesha Caalamka oo aqbashay Dalabaadkii Madaxweyne Shariif Xasan

Kulamadii dhexmaray Wafdiga uu hor kacayay Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Nicholas Haysom iyo Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira ayaa ku dhamaaday jawi wanaagsan.

Wafdigaan ayaa shalay oo Arboco ahayd waxay yimaadeen Baydabo ka dib markii uu casumay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan, Madaxweyne Shariif ayaa wuxuu wafdigaan u casumay inuu kala tashado uuna tuso in Villa Soomaaliya ay faragalin khakhal abuura ay ku heyso Baydhabo iyo Doorashada ka dhici doonta maalmaha Soo socda, Wuxuu kaloo u casumay Wafdiga inuu tuso in la qaban qaaabiyey Doorasho si sharciyan ah ku dhacaysa ayna kuwada qanac san yihiin dhamaan Murashixiintu.

Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay wuxuu la kulmay Murashixiinta, dhamaantoodna waxay cadeeyeen in ay diyaar u yihiin iney Tartamaan ayna ku kalsoon yihiin qaabka Doorashadu u dhacayso, ayna isla markaasna aqbali doonaan natiijada Doorashada.

Kulan ay la yeesheen Mukhtaar Roobow ayay ku sheegeen ineysan iyaga Wafdi ahaan iyo Cidkaleba aysan xaq u lahayn iney qof ka hor istaagaan Doorashada inuu u tartamo taasna ay u taal oo qura Shacabka iyo Xukuumada Koonfur Galbeed.

Wali war rasmi ah kamasoo bixin kulamada balse Madaxweyne Shariif oo hadlay ayaa yiri “Waxaan ka mahad naqnay Dadaalka iyo waxqabadka ay Amisom iyo Qaramada Nidoobay ugu jiraan Amaanka Deegaanka Koonfur Galbeed, Waxyaabo badan baan ka wada hadalnay oo ay u horeeyaan Siyaasda iyo Amaanka, Shacabkuna waxaan farayaa iney la shaqeeyaan Ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwa Amisom, Waxaan kaloo kawada hasalnay sidii Qaramada Midoobay ay Xafiis uga furan lahaayeen Baydhabo”

Puntlandi.com
Baydhabo

You must be logged in to post a comment Login