Daawo Oday Siciid Diiriye : - Puntland Dhismaheeda Naf iyo Maalba waanu ku bixinay, waana waajib in cadowga laga difaaco

Oday Siciid Diiriye
Oday Siciid diriye oo ka mid ahaa asaasayaashi dhidibada u taagay dawlada Puntland, horeyna u soo noqday Xildhibaan Puntland ah ayaa dowlada Federalka ah ku eedeyey in ay dhaqaale ku bixinayso Burburinta nabdgalyada maamul Goboleedyada Dalka.
Oday Siciid Diiriye ayaa sheegay in Shacbiga Puntland naf iyo maalba galiyeen dhismaha Dawlada Puntland, taasina ay waajib fardul-ceyn ah ka dhigayso difaaca Puntland iyo in meel looga soo wadajeesto cid kasta oo cadow iyo dulaan ku ah Dawlada Puntland iyo Shacbigeeda.
Oday Siciid Diiriye ayaa sheegay in kooxda horbooda Dawlada Federaalku ay yihiin kooxo aan ehel u aheyn dawladnimada Somaaliyeed, kuna mashquulsan in ay deeqaha caalamku ku bixiyo dadka somaaliyeed ee tabaaleysan ay u adeegsanyaan in ay ku burburiyaan maamulada dalka ka jira
Mudane Siciid Diiriye ayaa sheegay in dadkii sheeganaayey reer Puntland ee ka horyimi Shirkii madasha Iskaashiga dowlad-goboleedyadu ay ahaayeen kuwo la soo abaabulay oo lacag ku qaatay in ay shirka mucaaradaan, iyagoo u adeegaya hogaanka sare ee Dawlada Federaalka Somaaliyeed
Dhinaca kale Mudane Saciid Diiriye Waxuu ka hadlay kowqifka madaxwayne ku xigeenka Puntland shirkaas ka istaagay oo su’aal galiyey.
Halkan ka daawo hadalka Oday Siciid Diiriye