|

(SAWIRRO) Taliyaha ciidanka booliiska Puntland oo maanta xilkiisii la wareegay.

Taliyaha cusub ee ciidanka Booliiska Puntland, sareeyo guud Muxyadiin Axmed Muuse, ayaa maanta la wareegay xilkiisa, kadib markii maalmo kahor uu xilkaan u magacaabay madaxweynaha dowladda Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Taliyuhu wuxuu xilkaan kala wareegay sareeyo guud, Cabdulaahi Shirre Nuur Dool oo muddo sanad ku dhow hayay xilkaan, waxaana xaflada xil wareejintu ka dhacday xarunta taliska qeybta booliiska Puntland ee gobolka Nugaal.

Wasiirka amniga iyo saraakiil ciidan oo katirsan hogaanada kala duwan ee Booliiska, ayaa goob joog u ahaa xaflada taliyaha cusub uu xilka kula wareegayay.

Taliyaha ciidanka Booliiska Puntland, ayaa hoosta ka xariiqay inuu dardar galin xoogan ku sameyndoono shaqada ciidanka bilayska Puntland u hayaan shacabka, isagoo iclaamiyay in khamiis walba uu jiridoono shir ciidanka boolisku kusoo bandhigayaan waxyaabaha bulshada loo qabtay iyo qaladaadka ka falcelintooda.

Wasiirka amniga ee dowladda Puntland, Axmed Cabdulaahi Yuusuf (Dowlad), ayaa soo dhoweeyay taliyaha cusub, wuxuuna u mahad celiyay taliyihii hore ee ciidanka bilaysk, isgoo ku ammaanay inuu meel fiican gaarsiiyay howlaha ciidanka.

Wasiirka amniga waxa uu saraakiisha ciidamada kula dardaarmay inay garab istaagaan taliyaha cusub, isagoo intaas ku daray inuu hadda gabagabo ku dhow yhaay tirokoobka ciidamada booliiska Puntland, taasoo muhiim u ah qorshaha dib u habaynta ciidamada.

DAAWO SAWIRRADA.

Puntlandi.com

 

 

You must be logged in to post a comment Login